Waxaa habeen hore lasoo bandhigay xalqadii 30aad ee taxanaha hercai kaasoo meel xiiso leh inoo maraayay waxaana halkaan idiin kuugu soo gudbin doonaa dhacdooyinkii ugu muhiimsanaa.

-Xalqada ayaa ka bilaabatay halkii ay qeybtii hore ku dhamaatay markii macalin Jabriil wiilkiisa uu Caziiza ku eedeeyay in iyada u hanjabtay aabaheeda isla markaasna sida xaqiiqda ay tahay in Faraantiga loo sameeyay Hazar Sadoglu.

-Macalin Jabriil wiilkiisa wuxuu sheegay in aabihiis geeriyooday asigoo kaxun beentaas uu horay ugu sheegay balse asiga uusan Caziiza ka cabsaneynin sidaas owgeed Miran uu xaqiiqda u sheegaayo ama ha qaato ama ha iska dhaafo.

-Caziiza wey inkiree eedeymaha Macalin Jibriil wiilkiisa waxayna ku doodee in gabigiisaba aqoonin iyo wuxuu ka hadlaayaba ayadoona Miran isku dayayso iney ku qanciso inuusan rumeysan hadalka ninkaan aan la aqoonin.

-Reyyan ayaa soo dhex galeyso waxayna dhankeeda isku dayee in beenta Caziiza banaanka soo dhigto taasoo Miran tashwiish ku fureyso.

-Caziiza markii ay Miran qancin weyso ayay isaga tagee oo qolkeeda aadee balse Miran oo shaki qabo aya daba kacaayo waxayna Caziiza Miran tusinee warqadihii hanjabaada ee loo soo diraayay ayadoona u sheegeyso Miran in cadow kudhex jiro sidaas owgeed uusan qofkasta iska rumeysan.

-Miran hadalka ayaydiisa kuma qancaayo wuxuuna sheegaa in wali ay wax ka qarineyso sidaas owgeed uusan arinkaan ka hari doonin.

-Caziiza Markii Miran uu ka baxo ayay soo bixinee sawirkii Caa’isha waxayna dhahee Aniga ma ahan qofka xaqiiqda kaa qarinaayo ayadoo xitaa codkeeda badaleyso.

Waxaad is dhahee Caziiza ma labo qof baa sida qof waalan camal.

-Reyyan iyo Gonul dagaalkooda ma dhamaado iyo loolanka ay Miran ugu jiraan markale ayayna is wajihi doonaan inkastoo Gonul meel aan laga rabin isku qoreyso.

-Miran gabigiisaba shaki ayaa ka buuxsamay meel uu raaco misna aaminana wuu garan la’yahay ma wuxuu aaminaa hadalka macalin Jibriil wiilkiisa iyo Reyyan kaasoo sheegayo in faraantiga uu hooyadiisa Dilshaah u sameeyay Hazar mise hadalka ayaydiis Caziiza ayuu qaataa oo ah in aabihiis Maxamed Aslanbey faraantiga u sameeyay hooyadiisa asiga dhan tashwiish ayaa ku furan.

-Reyyan ayadana waxay isku dayaysaa in Miran dajiso si uu caqli saliim ah ugu fikiro.

-Haaruun ayaa lagu tusaa asigoo taleefan kula hadlaayo cadowga qarsoon isla markaasna guushiisa aad ugu faraxsan iyo wixi uu Xaniifa ku sameeyay iyo inuu u sheegay cadowga sadaxaad xitaa ay Xaniifa cabsatay.

-Sido kale Haruun wuxuu u sheegaa cadowga qarsoon in qoyska reer Sadoglu aysan waxba ka ogeyn fariimaha hanjabaada ee ay u dirayaan Caziiza Aslan Bey.

-Hazar ayaa u yeeraayo Furaat wuxuuna u xaqiijinaa in asiga yahay qofka loo sameeyay faraantiga wuxuuna ka dalbanaa in Miran arinkaan ku qanciyo.

-Hase yeeshee Furaat ma aaminaayo hadalka Hazar balse Hazar ayaa furaat u sheegaayo in hooyadiis Asmaa u sheego in Hazar uusan waxbadan sii sugi doonin taasoo shook ku ridi doonto Furaat.

-Suldana waxay Miran u sheegee waxa ku dhacay iyo in uu caawiyay qofeysan aqoonin halka Miran uu aad usii xanaaqi doono.

-Suldana waxay Miran kula talinee inuu dib ugu laabto isbitaalkii uu ku dhashay iyo qofka uu yahay inuu dhakhaatiirta isbitaalkaas kasoo ogaado.

-Miran ayaydiisa Shakraan waxay Caziiza ku eedeynee iyada iyo wiilkeeda Mohamed Aslan Bey iney masuul ka ahaayeen dhimashadiii gabadheeda Dilshaah ee Miran hooyadiis.

-Caziiza waxay difaacee wiilkeeda Mohamed Aslanbey balse Shakraan waxay ku adkeysanee in Caziiza iyo wiilkeeda masuul ka yihiin dhimashada gabadheeda.

-Miran ayaa ku riyoonaayo ayadiisa caziiza oo geeriyootay asigoo naxsan ayuuna hurdada kasoo kacaa wuxuuna usoo cararaa qolka ayaydiisa.

-Miran ayaa usoo galaayo ayaydiisa Caziiza oo kursiga jiifto wuxuuna kudul ooynaa lugaheeda ayadoo Caziizana ay isku dayayso iney niyada u dajiso.

-Xaniifa labadii dhambaal mid kamid ah ay heshay waxayna u badantahay iney heshay midii ay ku qorneyd in Miran yahay wiilkii Hazar balse dhambaalka kale ma heleyso.

-Macalin jibriil wiilkiisa wuxuu ogyahay waxbadan oo ay kamid tahay in Nasuh wax walba oo dhacaayo lug kuleeyahay isla markaasna uu asiga yahay qofka kala fogeeyay Miran hooyadiis Dilshaah iyo aabihiis hazar.

-Miran ayaa arkaayo Macalin Jibriil wiilkiisa iyo Nasuh oo isla taagan wuxuuna u maleynaa in Hazar iyo Nasuh ka dambeeyaan isbadalka hadalka macalin jibriil wiilkiisa ku yimid sidaas owgeed Hazar ayuu u tagaa wuxuuna u sheegaa in khiyaanadiisa iyo dhagartiisa aysan marin habaabin karin.

-Hazar markii uu adkeysan waayo hadalada Miran wuxuu booqanaa qabriga Dilshaah balse waxaa meesha ugu imaanaayo Miran oo ay la socoto ayaydiisa Shakraan is qabqabsi ayaana meesha ka dhacaayo.

-Hazar ayaa markii uu warka bato Miran bahal dharbaaxo ku kala jiidaayo kadibna wuxuu usoo bixinaa warqadii hooyadiisa ay asiga usoo qortay waana fariin jaceyl.

-Miran markuu arko farta hooyadiis iney tahay ayuu akhrin ugu dhaqaaqaa asigoona siweyn u shooksan maadaama hadalkii Hazar uu run noqday iyo in Hazar iyo Miran hooyadiisa yaraantooda is jeclaayeen ay xaqiiqo noqotay wuxuuna miran u fiirinaa Hazar si cajiib ah.

-Dhamaadka xalqada ayaa halkaas ku go’eyso Miran oo shooksan iyo hazar oo ugu dambeyn cadeyn muhiim ah farta ka saaray Miran.

Hadaba miran marba haduu ogaaday in Hazar saxsanaa oo hooyadiis iyo Hazar jaceyl hore ka dhaxeeyay waxay suaasha noqon doontaa muxuu sameyn doonaa tolow?

Hazar miyuu raali galin doonaa oo hadalkiisa miyui qaadan doonaa kaasoo ah inhooyadiis uusan asiga dilin mise shirqoolka Caziiza ayuu wali kusii hoos jiri doonaa?

Arimahaan iyo kuwa kalaba waa waxaan u daawan doono xalqada 31aad oo ah mid xiiso gaar ah leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here