Tip Tip Barsa Pani waxay ka mid tahay heesihii ugu caansanaa ee 90-maadkii Bollywood-ka qaadeen sidoo kalena ilaa maantadan lagu xasuusto Raveena Tandon qaabka ay heeskan hirgalay u matashay ayadoo magac weyn ku yeelatay waxayna iyada iyo Akshay Kumar heeskan kusoo bandhigeen is fahankii gaarka ah ee ka dhaxeeyay waana xiligii uu xiriirkoodii jaceyl soo bilaabanayay.

Haddaba atirishada caanka ah Raveena Tandon ayaa banaanka soo dhigtay sirta ka dambeesay qaabka loo agaasimay heeskan hirgalay Tip Tip Barsa Pani waxaan aragnaa saameynta ay la timid heeskan balse dhibaato ayaa laga maray sameynteeda gaar ahaan Raveena dhibka ku dhacay ma yaro.

Raveena waxay tiri “Afar maalmood ayaa la duubayay heeska Tip Tip Barsa Pani waxaan ku duubnay meel dhismo qabyo ah ka socday oo qadiimi ah, goobta waxay lahayd dhagaxaan adag oo aan qofka ku socon karin haddana caggo cadaan ayaan duubay heeskan!”

Raveena oo hadalka sii wadato waxay tiri “Waxaa igu dhacday qandho ama xumad daran inta aan heeska duubeenay madaama aan wada qoyay dhaxan ayaa i qabatay waayo biyaha qaboow ayay ahaayeen waxaana galay xaalad adag haddana sidaas oo ay tahay adkeysi ayaan sameeyay oo aan hadda sameyn karin!”

Raveena oo aan waxba qarsaneyn ugu dambeyntii waxay tiri “Jilbaha ayaan xog xogmay ama iga murxeen madaama dhulka adkaa, balse intaas waxaa iiga sii darneyd xiligeygii caadada ayaan ku jiray mana islaheyn hees sidaan caan u noqotay ayaa duubi kartaa waxaana la yaabanahay kooxda filimkan sida ay heeskan mucjiso kaga dhigeen ama mid u muuqato inay dareen badan xambaarsan tahay waayo tabbar badan ma heynin madaama aan bisheydii ku jiray waxaan u baahnaa nasiino laakiin dib u dhac ayaan Mohra u diidanaa inuu ku imaado.”

Fadlan hoos ka daawo heeska hirgalay Tip Tip Barsa Pani ee Raveena waligeed lagu xasuusan doono waxaana kala soo muuqday Akshay Kumar halka Alka Yagnik iyo Udit Narayan ay ku luqeeyeen:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here