Marka aad uwaceyso Super Star Aamir Khan waxaa kugu waajib ah inaa magaciisa ka hor mariso ama ka daba mariso magaca Mr.Prefectionst waayo waa aabaha iskoor sameynta India.

Aamir waa mid kamid ah xidigaha ugu guulaha badan India sido kalena qaab jiliinkiisa cajiib ah waa mid waliged la xasuusan doono jiil kajiil

Bollywood Mr. Perfectionist Aamir Khan isagana wuxuu leeyahay hab dhaqan yaab leh taaso in badan ka duwan dabeecadaha aktarada kale amir khan waxa uu sameeyaa aflaamta ugu sheekada wanaagsan bollywoodka xitaa waxa ay awoodiisa gaartay ilaa iyo dalka shiinaha

ilayn midaas waxa uu ku gaaray maskax iyo caqli aktarkan ayaa dhawaan isagoo wareysi laga qaadaayo waxa uu  shaaca ka qaaday sirta ka dambeesa guushiisa amir khan ayaa sheegay ka hor inta uusan saxiixanin filimka inuu iska akhriyo sheekada filimka taaso  ah mid uu dabeecad ka dhigtay

Amir khan ka dib markii sheekada uu si fiican u akhristo waxa uu aragti ka dhiibto sheekada haddii sheekada ay tahay mid fiican sidoo kale uu si weyn uu kaga helo sheekadaas  waxa uu lacag dhan 25 lakh gacanta ka saara abaal-marin ahaan u siiya shaqsiga soo qoray sheekadaas waana mid uu ku dhiiri-gelinaayo shaqadiisa

Amirkhan aflaamta uu sameeyo waa kuwa gabi-ahaanba ka duwan aflaamta kale sida sheekada iyo isku xirka filimka waana mid loogu bixiyay magaca mr. perfectionism
aflaamtiisa ugu sheekada wanaagsan waxaa ka mid ah taare zameen par , 3 idiots , pk , dangal iyo aflaamo kale oo badan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here