Tamil Star Sivakarthikeyan filimkiisii ugu dambeeyay wuxuu ahaa Hero oo u ku matalaayay Super Hero awood badan fariin ahaana laga wada helay inkastoo ganacsi ahaan guul dareestay haatana wuxuu aqbalay inuu laadar ka noqdo filim uu hogaamiye ka yahay Power Star Pawan Kalyan.

Mashruucan waa filimka 27-aad ee Pawan Kalyan hogaamiye ka noqdo sidoo kalena waa filim Telugu ah waxaana Director ka ah Radha Krishna Jagralamudi ayadoo fariin ahaan la sheegay inuu ku saabsan yahay sheeko taariikhi ah oo xili hore dhacday waxaana la isla dhex maraa in filimkan luqadaha Tamil iyo Telugu lagu daawan doono miisaaniyad xoogana xambaarsan yahay.

Haddaba Director Radha Krishna Jagralamudi wuxuu la xariiray Sivakarthikeyan wuxuuna la wadaagay sheekada mashruucan aan magaca loo bixinin iyo doorka uu ku yeelan doono wuuna ka helay xidigan filimkan kaalinta laga siin doono ayadoo lagu heshiiyay marka ay xaalada caadi kusoo laabato inuu duubista mashruucan qayb ka noqdo.

Sivakarthikeyan waxay u noqon doontaa markii labaad ee filim Telugu ah sameyn doono asigoo horey u sameeyay filimkii Kousalya Krishnamurthy ee sanadkii hore soo baxay haatana laadar awood badan ayuu mashruucan weyn ku matali doonaa asigoo siweyn ula dagaalami doono Pawan Kalyan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here