Home » Nolosha Jilaayaasha » Sonakshi Sinha filimkeeda Welcome To New York ayay xayeysiin u sameeneesay laakiin iyada ayaa lagu mashquulay (+sawiro)

Sonakshi Sinha filimkeeda Welcome To New York ayay xayeysiin u sameeneesay laakiin iyada ayaa lagu mashquulay (+sawiro)

Atirishada Sonkashi Sinha beryahan waxay ku mashquulsan tahay xayeysiin u sameynta filimkeeda shactirada badan Welcome To New York  oo la daawan doono 23-ka bishan Febraayo.

Sinha ayaa xayeysiin wacan u sameesay filimkeeda ayadoo hadal xoogan ka abuurtay baraha bulshada iyo Tv-yada oo ay booqato barnaamijyada kala duwan ee daawadayaasha lagu mada daaliyo si filimkeeda ay dadka u ogaadaan.

Laakiin Sonakshi Sinha xayeysiintii ugu dambeesay oo ay filimkeeda Welcome To New York  u sameesay waxaa lagu mashquulay iyada labiska ay soo xiratay.

Sonakshi oo inta badan ah atirisho aan soo xiranin labis soo jiidasho leh ayaa dadka mashquulisay labiskii ay soo qaadatay xili filimkeeda Welcome To New York  ay dadka ka gadeesay.

Sidaa darteed dadka filimada ka faaloodaan iyo kuwa baraha bulshada wax ku qoraan waxay adeegsanayeen hadalo Sonakshi Sinha labiska ay soo xiratay soo jiidashada lahaa ee ma aysan ku mashquulin inay filimkeeda Welcome To New York  wax ka qoraan!

Filimka Welcome To New York  Sonakshi Sinha waxaa ku wehliyaan Diljit Dosanjh, Karan Johar, Riteish Deshmukh, Lara Dutta iyo Boman Irani halka uu Director ka yahay Chakri Toleti.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *