Sonakshi Sinha waxay todobaadkii hore u dabaal dagtay sanad guuradeeda 33-aad xili ay guriga ku jirto mana u suura galin xaflad inay dhigato ama waqti la qaadato saaxiibada ay Bollywood-ka ku leedahay haddaba atirishadan caanka ah arin hadal badan abuurtay ayay ka dhawaajisay.

Xili ay la hadleesay shabakada Mid Day waxaa la weydiiyay xaalada ay ku sugan tahay waxayna tiri “Waa wax igu cusub inaan sanad guuradeyda u dabaal dago anigo aysan saxiibadeyda ila joogin balse aniga waligeyba waxaan jeclaa jawi dagan iyo qof walbo gurigiisa inuu waqti ku qaato waana ku raaxeesanayaa bilooyinka aan guriga ku jiro.”

Sonakshi Sinha oo sanadii 2010 kusoo caan baxday filimkii Dabangg oo ay Salman Khan la sameesay ayaa la weydiiyay haddii guur qorshaha ugu jiro madaama haatan 33-sano jirsatay inta badana atirishooyinka Bollywood-ka da’daan ilaa inta u dhaxeyso 35-sano marka ay gaaraan reer sameestaan.

Sonaksi Sinha oo kaftan badan waxay tiri “Haa waan guursanaa weliba marka bandowga laga baxo… laakiin ogaada waxaan guursanaa shaqadeyda waayo iyada nin ii ah marka aan filim jilista dib u bilaabo u fahma inaan guur galay ileen wax kale haatan kama fikiraayo oo aan ahayn inaan dib ugu laabto shaqadeydii filim duubista oo aan u xiisay kkk kkk”

Sonakshi Sinha saxaafada siweyn ayay kaga reesan waxaana atirishadan lagu xantaa inay xiriir la leedahay wiilka lagu magacaabo Bunty Sajdeh ayadoo horey xidigtaan xiriir caan baxay ula yeelatay Arjun Kapoor laakiin kala hareen weyna isku dhaceen ayadoo xitaa aysan dhicin dib dambe inay iskula shaqeeyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here