Sonakshi Sinha oo beenisay Housefull 4 inay saxiixatay waxayna tiri “Dabangg 3 ayaan xiligaas duubi doonaa”

Subaxaan Bollywood-ka waxay ku waa bariisteen hadal heyn xoogan oo ku aadan in taxahana caanka ah Housefull 4 lagu soo daray Bobby Deol iyo Sonakshi Sinha.

Bobby Deol si rasmi ah ayuu dhankiisa u xaqiijiyay sameynta Housefull 4 sidoo kalena uu saaxiibkiis Akshay Kumar shaashada kala soo muuqan doono mudo kadib.

Laakiin atirishada Sonakshi Sinha ayaa si rasmi ah u beenisay inay taxanaha Housefull 4 saxiixatay waxayna sheegtay in mashruucaan uu yahay mid ka weyn balse ay isku soo aadeyn duubis ahaan xiliga ay ka hawl gali doonto mashruuca kale ee weyn Dabangg 3.

Sonakshi Sinha waxay tiri “Ma saxiixanin Housefull 4 sidoo kalena marnaba ma baadi goobin sameynta taxanahan caanka ah waayo xiliga Housefull 4 shaqadiisa bilaabaneyso iyo waxaa isku aadan xiliga Dabangg 3 aan duubistiisa bilaabi doono:

“Sidaa darteed Dabangg 3 ayaaba igu filan oo ah taxane caan ah sidoo kalena ah filimkii dadka igu barteen kuna yeeshay taageerayaasha maanta i jecel”

Housefull 4 waxay shaqadiisa bilaaban doontaa bisha June ee sanadkaan halka Dabangg 3 isagana shaqadiisa bilaaban doonto bartamaha bisha May ee sanadkaan sidaa darteed labadaan filim shaqo ahaan wey is dul saaran yihiin macquulna ma ahan inay Sonakshi Sinha wada sameyso sida ay cadeesay.