Inaba caadi ma ahan aragti soo jiidasho leh ayaa laga soo bandhigay Sonakshi Sinha iyo doorkeeda Rajjo ee Filimka Dabangg 3 kaaso dhamaadka sanadkaan la daawan doono.

Dabangg 3 howshiisa ayaa socoto December 2019 ayaana la sugayaa waxaana qeybtaan lagu daawan doona sida Salman ku noqday askariga Chulbul Pandey ee ah doorka labada qeybood ee hore uu ku jilay dib ayaa loo noqonaa sheeko hore ayaana laga sheekeynaa hadaba Sonakshi qeybta seddexaad wey kujirtaa iyadanaa mashruucan taxanihiisa atiriisho ka ah.

Kooxda Filimka wey ogaayeen in maanta ku beegantahay munaasabada haweenka xaasaska hinduuga ah ay u soomaan raggooda afur iyo xafladana sameeystaan fiidkii waana sababta ay ugu soo aadiyeen aragtida kowaad Sinha.

Sida kaartada ka muuqata waxay Sonakshi cimri dheeri u tuugeysa Salman Khan oo dayaxii ayee sugeysa sida loo jeedo baraha bulshada ayaa lasoo dhigay waxaana lasoo raaciyay qoraal lagu xusaayo munaasabada Karwa Chauth oo ah soonka haweenka hinduuga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here