Atiriishada Sonakshi Sinha dhankeeda ayee ka dhadhamisay caqabadaha  Bollywoodka iyo sida la isku fadeexesto marka qofka caan noqdo ayadoo laga faaideysanaayo magaciisa iyo caannimadiisa.

Xidigtaan ayaa Internet-ka iyo meel walba lagu fadeexestay mudo hada laga joogo qiyaas ahaan 2 sano maadama laga faafiyay muuqaal been abuur ah (Fake) oo waliba ah mid anshax-xumo waana muuqaal nin iyo naag isku galmonayaan.

Waxaa laga dhigay haweyneyda inee Sonakshi Sinha tahay sababtana waa in wajiga Sonakshi ay shabahdo haweyneyda sido kalena wajigeeda si toos ah looma bandhigin balse waxaa qoraal ama ciwan looga dhigay in Sonakshi Sinha bilaawday sameeynta filimada Anshax-xumada ah.

Sonakshi markee aragtay wey la yaabtay aad ayeena oga murugootay dad aya xidigtaan daba dhigteen si ay u bur buriyaan shaqadeeda Bollywoodka iyo sharafkeeda balse Sona oo garab ka heleysa ehelkeed iyo saaxiibaded waxay saxaafada u sheegtay in iyada ahen qoftaan oo laga been abuurtay.

Wax kama jiraan ayee ku tilmaamtay inkastoo mudo dheer lagu xaman jiray dhanka shaqada hader waxaaaa tiyaatarada usaaraan filimka Dabangg 3 ee ganaaacsi ahaan fashil weyn kudhacay inuu guul dareesto ayuuna halis ugu jiraa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here