Atirishada caanka ah ee la wada jecel yahay Sonakshi Sinha sanadii 2010 ayay Bollywood-ka kusoo biirtay waxayna kusoo caan baxay filimkii Super Blockbuster-ka noqday Dabangg oo ay la sameesay Salman Khan wixii markaas ka dambeeyay fanka Hindiya wey sal dhigatay ayadoo la shaqeesay atoorayaal caanka ah kana soo muuqatay mashaariic guulo waa weyn gaareen.

Haddaba Sonakshi Sinha waxay ka hadashay 4-sano ka hor saaxiibkeed John Abraham oo ay isla sameeyeen filimka Force 2 dhibaatada gaartay John oo ahayd in jilibka dhaawac xoogan kasoo gaaray kadibna John shaqeesan waayay mudo 2-bilood ah. Sonakshi waxay tiri “4-sano ka hor waxaan sameenay filimka Force 2 oo ah mid ii qaas ah madaama Action caalami ah kusoo bandhignay sidoo kalena daawadayaasha ka heleen fariintiisa balse shaqada qurxoon aan qabanay dhib badan ayaan ka marnay.”

Sinha oo hadalka sii wadato waxay tiri “Waxaan hilmaami karin John dhibkii soo gaaray xili aan magaalada Budapest filimkeena ku duubeenay wuxuu sameeayay muuqaal Action halis badan oo uu albaab jibinaayo marka ficilkaas sameeyay nasiib daro wuu sibxaday dhaawac ayaana dhanka jilibka kasoo gaaray, dhaqaatiirta John waxay kula taliyeen inuu nasto balse shaqada inay hakato ayuu John diiday wuuna dhameestiray ficiladii halista badnaa taasina waxay keentay in John jilibkiisa aad u bararo kadibna labo jeer qaliin lagu sameeyo mudo 2-bilood ahna uu socod-ka gabay!”

Force 2 wuxuu soo baxay 18-kii November 2016 wuxuu noqday filim Flop ah oo guul dareestay asigoo soo xareeyay 31 Crore gudaha Hindiya waxaana lagu qarash gareeyay 41 Crore ayadoo Sonakshi ka hadleyso filimkan wacnaa sababta uu u guul dareestay waxay tiri “Force 2 wuxuu aha filim heer sare ah daawadayaashana ka heleen balse nasiib daro daawashadiisa waxay kusoo beegamatay xili lacagta Hindiya isbadal lagu sameeyay oo sicir barar jiray taasina waxay keentay mashruucan ganacsi ku filan inuu sameyn waayo madaama gobolada qaar xasarad xoogan ka jirtay, laakiin Force 2 waa filim nagu qaali ah aniga sharaf weyn ayay ii ahayd inaan taxanahan qayb ka noqdo.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here