Sonakshi Sinha Oo Shaacisay Sababta Gurigooda Weyn Loogu Magacaabay Ramayan!!

Atirishada Sonakshi Sinha ayaa shaaca ka qaaday sababta ka dambeysa in qasrigooda weyn magac ahaan loogu bixiyay Ramayan kaaso ah magac qadiimi ah asal ahaana ah gabay Hindi ah oo loogu magac daray Ramayan.

Sonakshi oo ku sugneed wareysi ay Tv-yada ka bixineysay ayaa arinkaa la weydiyay hada kahorna dhowr jeer ayaa la weydiyay balse wey isaga gaabsan jirtay.

Waxay tiri iyadoo hadleysa,”run ahaanti wax badan ayaan ka gaabsan jiray jawaabtan balse maanta waan shaacinayaa qasrigan aad aragteen aniga iyo hooyadey banaanka ayaan ka nahay oo waxba kuma lihin asal ahaan.”

“Waxaa iska leh aabahey (Shatrughan Sinha) iyo sedexdiisa walaalo ee la dhashteen kuwaaso kala ah Ram, Laxman iyo Bharat sidaa aawged anaga dhaxal ahaan qeybta aabo unbaa nagu soo aadi karto sida kale banaanka ayaan ka nahay.”

“Maadama guriga uu weyn yahay dhamaantena aan kuwada noolnahay waxaa la go’aamiyay magac dhextaal u ah in loo bixiyo waxaana la isku af gartay in RAMAYAN loo bixiyo waana loo bixiyay.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*