Sonakshi Sinha Waxay Filmkeda Welcome TO New York Isugu Keentay Three Khans Oo Walaalo Ah!

Welcome To NEW York waa mashruuc shactiro ah oo ay wada jilayaan Sonakshi Sinha, Karan Johar iyo Diljit Dosanjh halka doorar marti ah ay ku leeyihiin xidigaha kala ah Rana Daggubati, Riteish Deshmukh, Lara Dutta iyo Boman Irani.

Hadaba Sonakshi ayaa shashada filmkaan kula wadaageyso sedex Khans oo walalo ah waxayna kala yihiin Salman Khan, Sohail Khan iyo Arbaaz Khan waana heeska Nain Phisal Gaye.

Director-ka filmkaan waa Chakri Toleti kooxda filmkaan oo ka hadleen isku keenta sedexda Khans ee walaalaha ah waxay dhaheen,” inaan halmar shaashada wadaajino sedex khans oo walaalo ah waa wax aan rabnay.”

“Salman, Arbaaz iyo Sohail waa sedex walaalo ah hadana aad ukala duwan qaab jiliin ahaan iyo xirfad ahaan balse sedexdooda oo halmar shaqo wadaagen xaqiiq ahaan waa wax lala yaabi doono.”

Filmkan waxaa la daawan doona  23 bishaan Febraayo ayadoo sedex khans ee walaalo ah muuqalo marti ah kulahaan doonan qaasatan heeskaas.

1 Comment

Comments are closed.