Home » Nolosha Jilaayaasha » Sonakshi Sinha “wey igu adag tagay inaan atoore isku soo dhawaano ama dareen shaashada ku wadaagno”

Sonakshi Sinha “wey igu adag tagay inaan atoore isku soo dhawaano ama dareen shaashada ku wadaagno”

Atirishada Sonakshi Sinha sanadii 2010 ayay Bollywood-ka kusoo biirtay waxayna kusoo caan baxday filimkii Dabangg ee Blockbuster-ka weyn noqday.

Hadaba Sonakshi Sinha mudo dheer xeerka waxaa ugu jiray in atoore aysan wax shumis ah shaashada kula wadaagin mana ka yeesho filim sameeyayaasha inay shumis jilaa la wadaagto.

Balse Sonakshi Sinha saxaafada ayaa beryahan culees ku saartay inay xoogaa isku dhawaadeen Sidharth Malhotra markii ay filimka Ittefaq wada jilayeen.

Sonakshi waxaa la weydiiyay “Maxaa shumis ku diidan mar hadii Sidharth aad filimadkii Ittefaq xoogaa muuqaal isku soo dhawaansho wadaagteen”

Sonakshi waxay ku jawaabtay “Waa wax igu adag inaan atore isku soo dhawaano anigoo dhibsanaayo ayaan Sidharth muuqaal isku soo dhawaansho Ittefaq wadaagnay laakiin wax weyn ma ahayn”

“Aniga ahaan waxba iskama key badali doono shuruuadeyda ah inaan shumis atoore shaashada kula wadaagin xitaa hadii doorkaas mid qaali ah yahay waan iska dhaafaa hadii la iigu xujeeyo inaan shumis shaashada ku sameeyo”

“Waxaan u mahad celinaa waalidkeyga oo sida saxda ah igu soo bar baariyeen waxa aan bulshada u gudbiyo waa mid ka tarjumeyso tarbiyadii aan waalidkey ka helay markii aan caruurta ahaa”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *