Maadama dalka India oodhan bandow kajiro dadkana guryahooda kujiraan bahda Tv-yada ayaa iskudayayaan inee dadka ku madadaaliyaan Filimadii hore, musalsaladii hore, iyo wareysiyadii hore dhanka fanka hindiya waxaana bilaawatay dib u milicso barnaamijyo ah maadama warae Update ah ama Filimo cusub jirin.

Kanaalka Star World ayaa ballan qaaday in 9:00 am subaxnimo ilaa 9:00 pm habeenkii fiidnimo uu soo deyn doono maalin walba dhamaan xalqadaha barnaamijka xiisaha badan ee Koffe With Karan si dadka ugu madadaalaan dibna ugu daawadaan xalqadahan.

Hadaba 5-qodob oo koo kooban ayaa kasoo qaadaneen misane ah 5 xalqo kala duwan oo xidigo kala duwan Karan Johar wareysi ka qaaday 5-maqaal ayaa ka kala dhigeena anagoo maqaal walba qodob ku xuseyno hadaba qodobka

1-aad hoos kaga bogo: 1-Deepika oo si toos ah ugu tilmaamtay in Ranbir Kapoor isticmaalo Condom-ka marka uu galmo sameynaayo:

Karan Johar ayaa xalqo kamid ah barnaamijkiisa sanado kahor ku casuumay Sonam Kapoor iyo Alia Bhatt waxayna ahed xiliyadoi Ranbir iyo Deepika xiriir wada lahaayen waxuuna Karan suaalay Sonam sidee u aragto xiriirka ka dhaxeeyo Deepika iyo Ranbir maadama iyadaba ay horey ulasoo sameysay xiriir xidigaan waxayna tiri Sonam.

“Deepika shaqo wacan ayee qabatay hadeeba mudo dheer ay xiriir la leedahay Ranbir sababto ah xiriirkiisa waa cimri gaaban yahay sida aan ku aqaano marka Deepika gacan bir ayee ku qabatay Ranbir sida muuqata” dhanka kale labada atiriisho waxay isku raaceen in Ranbir yahay qof uqalma in lala saaxiibo xiriirna lala sameeyo hadii uu joojiyana dabeecada xiisahiisa mudada yar ahna ay wax walbana wanaagsanaan lahaayen.”

Deepika ayaa intaas kudartay in Ranbir bilaawo isticmaalka Condom-ka iyadoo arinkaa sheegeysana waxay tiri,”marka laga soo tago xiisahiisa oo waqti kooban ah waxaan kaloo kula talin lahaa inuu bilaawo isticmaalka Condom-ka marar badan oo horena waan usheegay misane kula taliyay laakiin waa madax adagyahay hadal ma maqlaayo haduusan sidaas sameynina halistiisa ayuu wataa.”

Sida guud xidigaha Bollywoodka badankooda kama xishoodaan inee meelaha fagaaraha ah ama Tv-yada hortooda kaga hadlaan mowduucyada galmada oo waaba tan Deepika oo Ranbir kula talineyso markuu galmo sameynaayo inuu Condom isticmaalo taasi oo kadhigan wax caadi ah in aktooda ka tahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here