Kaamirada waa waxa kaliya ee dadka lagu qalid karo laakiin atirisho walbo dhirirkeeda rasmiga ah ma ahan mid la qarin karo.

Hadaba waxaan idiin heynaa atirishooyinka xiligaan Bollywood-ka ugu caansan uguna mashquulka badan sida ay u kala dheer yihiin cabirka rasmiga ah.

Xogtaan ay soo daabacday shabakada Rediff waxaa lagu xaqiijiyay in Sonam Kapoor ay tahay atirishada ugu dheer Bollywood-ka ayadoo dhirirkeeda yahay 5-feet iyo 10-inch oo u dhiganto 1-meter iyo 77 cm.

Anushka Sharma ayaa booska labaad ku jirto waxaana dhirirkeeda lagu xaqiijiyay inuu yahay 5-feet iyo 9-inch, waxaa xiiso leh in Kangana Ranaut, Deepika Padukone iyo Katrina Kaif isku dhirir yihiin waxaana dhirirkooda lagu xaqiijiyay inuu yahay min 5-feet iyo 8-inch.

Sidoo kale Aishwarya Rai Bachchan iyo Jacqueline Fernandez iyagana waa isku dhirir waxaana lagu xaqiijiyay dhirirkooda yahay 5-feet iyo 7-inch.

Waxaa kaloo xusid mudan in Sonakshi Sinha, Priyanka Chopra iyo Shraddha Kapoor isku dhirir yihiin cabirkoodana waa 5-feet iyo 6-inch.

Dhinaca kale Kareena Kapoor Khan, Ileana D’Cruz, Parineeti Chopra iyagana waa isku cabir waxaana dhirirkooda lagu xaqiijiyay inuu yahay 5-feet iyo 5-inch.

Ugu dambeyntii labo atirisho ayaa ugu gaaban kuwa haatan fanka Hindiya sida weyn kaga dhex muuqdaan waana Sunny Leone oo dhirirkeeda yahay 5-feet iyo 4-inch halka Alia Bhatt iyadana dhirirkeeda yahay 5-feet iyo 3-inch.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here