Sonam Kapoor iyo Swara Bhaskar ayaa ka aamusi waayeen waxa baraha bulshada kasocdo waxayna go’aansadeen inee ka hadlaan sido kalena difaacaan shaqsiyaadka sida weyn loo heesto ee kala ah Alia Bhatt iyo Karan Johar kuwaaso barnaamijka Koffe With Karan sanado kahor Sushant Singh ku kaftameen mana isku xirno geerida xidigaan iyo oraahdii hore ee barnaamijkaas.

Laakiin dad ayaa hadal heyn ka dhaliyeen arinkaas bulshadana ku dirayaan xidigahan hadalo marhore ahaa ayaana dib loo cusboneysiinayaa hadaba Sonam iyo Swara oo dadkan canaan dhagaha ka galinayaan waxay dhaheen marka hore Sonam aan ku bilaawno.

Sonam waxay tiri,”qof iskiis isku dilay (Sushant) dilkaas sababtiisa in eeda dusha looga tuuro saaxiibtiis, saaxiibtiis hore, qoyskiisa iyo asaxaabtiisa wada shaqeynta ka dhaxeysay waa jaahilnimo iyo fikir doqonimo ah” qaar kamid ah dadkii Sonam usoo jawaaben waxay dhaheen “anaga isqaraabeysi ayaan ka hadleena ee shaqsi gaar ah ma heysano Sushant-na meesha waa lagu bahdilay balse adiga waxaas ma fahmeysid ee London isaga laabo daba-gaabkaadiina iska xiro meesha caruurba ka tahee.”

Swara Bhaskar oo iyadana difaaceysa Karan Johar iyo Alia Bhaty waxay tiri,”qeyb kamid ah India ayaa Twitter-ka ku dhaleeceynayaan Karan Johar iyo Alia Bhatt sida inee sabab u ahaayen is-dilka Sushant maadama horey ay kaftan ahaan magaciisa ugu soo hadal qaadeen barnaamijka Koffe With Karan runtii waa arin laga xumaado iyo nacasnimo weyn in meesha isqaraabeysi aan oolin la keeno Karan iyo Alia meel cidlo ayaa lagu heystaa.”

Swara waxaa loogi jawaabay,”ceeb udhimee iska aamus markee Sonam hadashaba kasoo daba hadline fikir adiga leedahay la imaaw marka hore adiga ayaaba is qaraabeyso wado maadana dhibka Sushant kuu muuqanin.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here