Atiriishada Sonam Kapoor waxay caan kutahay ineysan hadal la gambanin marwalba iyo meel walba ay joogtana kama xishooto waxay dhaheyso markaana waxay si kulul ugu jawaabtay dad isku dayeen inee dhaawacaan sharafka aabahed Anil Kapoor.

Sonam ayaa ka hadashay nin dab qabadsiiyay goob shaqo kasocotay ee Delhi kutaala kadib Twitter-ka shaqsiyaad isticmaalan oo ciwaanka Sonam kuxiran ayaa bilaaweyn inee Anil Kapoor fadeexestaan.

Sawir hore oo Anil Kapoor iyo Dawood Ibrahim laga qabtay ayee baraha bulshada so dhigeen hadaba Dawood Ibrahim waa burcadka ama Gangster-ka ugu weyn dalka India aadna looga cabsan jiray sawirkaad ayaa labadan maalmood la wad waday waana sawirka maqaalkan idiin kaga muuqda.

Sonam Kapoor gives a fitting reply to those who've questioned her father, Anil Kapoor's relation, with Dawood Ibrahim — view tweets

Dadka ayaa isku xanteen in Sonam aabahed Anil iyo Maafiyaha weyn Dawood Ibrahim xiriir leeyihiin hadaba Sonam ayaa arinkaa udulqaadan weyday waxayna tiri iyadoo dadkaas u jawaabeysa.

“Waxaad rabtaan miyaad sheegeysaan…joojiya xanta aad wadaan qof sharafkiisana ha dhaawicina intaan hadal heyn raadineysan, aabahay goobta waxuu u tagay waa daawashada ciyaarta Cricket-ka.”

“Waxaana la socdeen Mr.Raj Kapoor iyo xaaskiisa Krishna Kapoor si lama filaan ah ayaana sawirka looga qaaday isaga iyo Dawood Ibrahim maadama dadka isku dhexjireen qof walba ayaana daawanaayey ciyaartaas aqoon gaar ahna iskuma leheen aabahay iyo ninkaan Gangster-ka ah.”

“Balse sawirkaas ayaa kulansiiyay oo qof walba ciyaarta ayuu kumaqnaa mana la is aqoonin sidaa aawged wax aadan hubin xogna ka heynin inaad faafisan waa laga fiican yahay idinko ogeyn hadalkiina dad dhaawici kara fadlan joojiya xanta iyo sawirada.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here