Atiriishada caanka ah Sonam Kapoor waa mid kamid ah atiriishooyinka Fashionka iyo modelka looga haray Bollywoodka xidigtaan marar badan ayee ku guuleysatay hogaaminta Fashionka waxaana loo doortay midii ugu fashionka wacneed Bollywoodka.

Sanadii 2015 waxay ka qeyb gashay tartanka Fashion-ka oo ay ku xayeysiineysay labiska cagaaran sida sawirka sare idiin kaga muuqda Sonam indhaha dadka ayee soo jiidatay.

Maadama dhabarka ama siijeedkeeda ay soo baneysatay taaso kaliftay in qof walba ku mashquulo xidiggaan, rooga casaanka sanadkaan wacdaro ayee ka dhigtay gabadha Anil Kapoor.

Ma ahen markii ugu horeysay Sonam sidan dadka u mashquuliso balse ilaa hada waa Fashion aad loo jecel yahay daawashadiisa ileen dhabarka Sonam oo banaan ayaa la daawanaaye.

Xitaa gabdho badan ayaa Sonam kaga daydee labiskaan iyo maqaarka jirkeeda sida uu u dhalaalayo oo gabar walba ku dadaasho isla sidaas ookale in maqaarkeeda iyadana u dhalaalo.

Hader waa xaas Sonan inta badana qoyskeeda ayee ku mashquushaa iyo shaqadeeda Bollywoodka laakiin taageerayaasheeda kama niyad jabin in aSonam markale rooga casaanka ah kusoo noqoto waana lawada sugayaa…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here