Sonam Kapoor Ahuja waxay ka mid tahay haatan jilaayasha Bollywood-ka ee saameynta xoogan bandowga Hindiya ka jiro ku yeeshay madaama magaalada Delhi kula nooshashay seygeeda Anand Ahuja iyo qoyskiisa sidoo kalena mudo labo bilood ah xidigtaan qoyskeeda oo ugu horeeyo aabaheed ma aysan arkin waxayna dareentay cidlo gaar ah.

Sonam waxay isku mashquulisaa baraha bulshada oo ay taageerayaasheeda kula fal gasho waxayna haatan isku tilmaantay gabbar nacas ama doqon ah xili ay waayaheedii caruurnimo ka hadleesay waxayna baraha bulshada soo dhigtay sawir ay xiran tahay dharka Batman ku caan baxay doorka filimka Hollywood-ka ah sidoo kalena maalinta Batman loo dabaal dago.

Sonam waxay tiri “Waxaan ahaa nacas ama doqon markii aan yaraa bal ila fiiri waan xiran waayay labiska Batman xili loo dabaal dagayay maalinta Batman fiicnaan laheeda inaan labiska saxdo waayo maalintaas waxay ahayd maalin farxad lala bood boodo qof walbana uu Batman iska dhigo ayado Dance kala duwan la sameenayo iyo ciyaar caruureed.”

Dhanka shaqada Sonam Kapoor Ahuja filimkeedii ugu dambeeyay wuxuu ahaa The Zoya Factor oo 20-kii September 2020 la daawaday balse nasiib daro mashruucan ganacsi ahaan wuu ka guul dareestay welina filim cusub ma aysan saxiixanin waxay sheegtay marka ay Mumbai kusoo laabato oo bandowga laga baxo inay shaaca ka qaadi doonto mashaariicda kala duwan oo ay saxiixan doonto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here