Sonam Kapoor oo lagu yaqaano ineysan hadalkeeda la gambanin ayaa si kulul u difaacday gabadha heesaaga ah ee lagu magacaabo Kanika Kapoor taaso laga helay CoronaVirus balse inta aan laga xaqiijin caabuqan ayee xaflad weyn dhigatay taaso dad badan kasoo qeyb galeen.

Qaar kamid ah dadkii kasoo qeyb galeen xafladaas ayee ku daaratay caabuqan dilaaga ah midaasna waxaa si weyn ugu dhaleeceeyen muwaadiniinta hindiga ah oo si weyn baraha bulshada ugj aflagaadeyeen mana jirin qof difaacay Kanika Kapoor.

Laakiin Sonam Kapoor ayaa moodaa inee magaca Kapoor ugu hiilineyso gabadhaan heesaaga ah waxayna canaan kala dul dhacday dadkii iyada baraha bulshada ku jafaayen hader waxaa laga cabsi qabaa in dadka Kanika kasoo jeestaan oo sitoos ah u weeraraan Sonam.

Sonam waxay tiri iyadoo la hadleysa dadka Kanika Kapoor heestaan maalin walba,”ma xishooneysiin miyaa markaa maalin walba bukaan caabuqa la dhibtoonaya aad ku aflagaadeyneysan halkaan bedelkii aad u duceyn laheydeen.”

“War imaqla Kanika Kapoor markee India imaaneysay (9 Maarso) wax karantiil ah kama jirin gudaha India oo dadka si caadi ah ayee ugu dabaal dagayeen feestada Holi balse xafladaas markee qabatay maalmo kadib ayaa lagu dhawaaqay karantiilka iyo qof walba in gurigiisa ku ekaado oo aan la is dhexgalin.”

“Aniga markaan London kasoo noqday ilaa hadda karantiil ayaa kujiraa balse todobaad kahor inta aan imaanin gudaha India wax karantiil ah kama jirin oo dadka qaarba kama war qabin caabuqa sheekadiisa ee yaan lagu xad gudbin gabadha.”

Kanika waxaa lagu heestaa taxadar la’aanta ay sameysay misane xaflad ay udhigtay dadna isugu keentay halkaas xili dunida uu Coronavirus dhibaateynaayo iyadiina laga helay caabuqa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here