Home » Nolosha Jilaayaasha » Sonam Kapoor”15 Jir Ayan Ahaa Markii Aan Qaan Gaaray Oo Caadada Ii Timid Sidi Asaxaabti Iga Horeysay Oo Kale”

Sonam Kapoor”15 Jir Ayan Ahaa Markii Aan Qaan Gaaray Oo Caadada Ii Timid Sidi Asaxaabti Iga Horeysay Oo Kale”

Atirishada Sonam Kapoor ayaa qeyb ka aha ama door muhiim ah ku leh filmka Padman kaaso looga hadlayo haweynka aan heysan agab nadiif ah xili caadada ay ku dhacdo.

Hadaba Sonam ayaa la fal gashay saxaafada waxaana wax laga weydiyay xili caadedkedi ama markii caadada ay u imaaneysay oo ay qaan gaareysay, xidigtaan ayaa ku jawaabtay.

“Waxaan jiray 15 sano markii ay caadada ii imaaneysay sidaa si lamid ah ahna saaxiibadey iga horeyen sidaas ayee ahayen.”

“Markii hore waxaan daremay in xooga caadada ama xiligi ay imaan lahaayen ay soo yara daahen mudo ayaan wal walsana balse markii caadada igu dhacday ayaan aad u farxay waxaana dareemay inaan qaan gaaray markaan oo aan qof weyn noqday ciyaalnimona ka baxay.”

Sonam ayaa wax laga weydiyay waxa ay dumarka kale ku waanin lahed xiliga caadada marka la joogo waxay tiri iyado hadleysay,”waxaan leeyahay badiya isticmaalka agab nadiif ah xiliga caadada sababto ah xanuuno badan ayee kaa caawinayan.”

“Sido kale biyo cabista badsada waxaad kaloo badsataan socodka badan, inta badan dadka waxay u maleyaan gabadha markee caado ku dhacdo in aysan soconin wax badan balse sidaas ma aha socodka badan wax tar ayuu u leeyahay gabadha caadada ku dhacda.”

Filmka Padmana waxaaa la daawan doona 25 bishaan Jan waxana Sonam kula weheluyaan xidigaha kala ah Akshay Kumar iyo Radhika Apte.

 

2 Responses to Sonam Kapoor”15 Jir Ayan Ahaa Markii Aan Qaan Gaaray Oo Caadada Ii Timid Sidi Asaxaabti Iga Horeysay Oo Kale”

  1. mcc

    January 14, 2018 at 12:23 pm

    asc zxp zakarie abdi
    waxa wanagsan warbixinada qaar inaad
    iska dhaaftaan soo turjumideeda sida
    kan oo kale wax uu tarayo maleh zxp
    thnks

    • Zakarie Abdi

      January 14, 2018 at 1:18 pm

      Walaalkeen warbixintan waxay ku lifaaqan tahay fariinta filimkan Padman ee sonam iyo akshay wada jilayaan.