Sonam Kapoor”Kangana Ranaut Waa Qof Dhib Abuur Ah Doodna Aan Lagu Gaarin” Wale Kangana Waa lahelay!!

Sonam Kapoor waxay daan daansatay Kangana Ranaut oo ah qof aan hadal lagu gaarin sido kalena karbaashkeeda dheeryahay xidigo badan ayaa horey oga qeyliyeen Kangana.

Sonam waxay Kangana ku tilmaamtay qof dhib socdo ah oo had iyo jeer dood badan dhibna aas aaskeda leh hadiiba dhib dhaco Kangana lug ku leedahay dhibkaas waxaa hubaal ah in Kangana aas aaska dhibkaas leedahay waa sida Sonam aaminsantahay.

Sonam ayaa ku maqneed maalmahan Delhi halkaas oo ay kusoo sameeneysay Fashion waxaa goobta looga qaaday wareysi kala duwan ayadoo ka jawaabtay suaalo badan oo xiiso leh.

Labo kamid ah suaalahas waxay ahaayen inee sheegto hadii ay jiraa shaqsiyaad Bollywoodka ka tirsan oo ay nafta u keentay xiliyo kala duwan dhibi jirtay Sonam ayaa ku jawaabtay,” haa wey jiraan dad badan oo Bollywoodka katirsan xiliyo kala duwan ayaan dhibay tusaale markii Shahid Kapoor iyo Ayushmann Khurrana ku tartamaayeen timaha dhaadheer ee ay reebteen waxaan ahaa mid iyaga dhiba.”

Waxay kaloo ka jawaabtay xidigtaan qofka ugu dhibka badan Bollywoodka ee had iyo jeer dooda abuura doodna aan lagu gaarin waxayna tiri,”qofkaas waa Kangana Ranaut, hadii aad dood rabto Kangana utag sababto ah laguma gaaro dood iyo hadal heyn waxaad mararka qaar is leedahay Kangana waa qof dhibkaba iyada sameesa (Troublemaker).”

Waxaa layaab ah Kangana Ranaut arinkaan waxay ay ka dhihi doonto ileen karbaashka lala dhacay ma ahan mid yar waxaan sugnaaba waa Ranaut iyo jawaabteda karkarka badan..

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*