Sonam Kapoor oo uu dhalay Superstar Anil Kapoor ayaa shaaca ka qaaday xubnaha iyo dabeecadaha ay ka jeclaatay qaar kamid ah jilayaasha Bollywoodka YouTube Channel ayaana soo bandhigeen wareysigan.

Sonam waxay sheegtay in Shah Rukh Khan ay ka jeclaan laheed maskaxdiisa oo kale inee lahaato sababtana waxay ku sheegtay inuu yahay qof caaqil ah waddo walbo oo lacag iyo shacbiyad lagu kasban karaana ay la sahlantahay isaga.

Waxay kaloo sheegtay in Deepika Padukone lugaheeda oo kale ay jeclaan laheed sababtana waxay raacisay in Deepika tahay mid lugo dhaadheer sido kalena soo jiidasho leh kuna qurxoon labiska soo jiidashada leh.

Indhaha Aishwarya Rai iyo Tamarta Ranveer Singh ayee sido kale Sonam ku hamisaa inee hesho waxay sheegtay in Aishwarya indhaheeda quruxdooda wali isbedelin 20 sano kadib xitaa halka Ranver ay ku sheegtay mod fudud tamar badana haya ama Energy.

Sonam jilayaal kale ayee magacaawday oo ay ka jeclaatay xubno iyo dabeecadaba sida Kareena Kapoor oo ay ka dooneyso kibirkeeda oo kale iyo kartida Kangana Ranaut oo kale ugu dambeyn Salman jirkiisa habku u dhisan yahay ayee ka jeclaatay halka Aamir ay ka jeclaatay kalsoonida uu kaga dhabeeyo doorkiisa shaashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here