Atooraha caanka ah ee filimaanta Bollywood-ka iyo Koonfur Hindiya kasoo muuqdo Sonu Sood ayaa si rasmi ah Hotel weyn oo deegaanka Juhu kana tirsan magaalada Mumbai ku wareejiyay dowlada Hindiya gaar ahaan qolyaha caafimaadka ee la tacaalayaan dhibaatada Coronavirus-ka Hindiya ku haayo.

Sonu Sood Hotel-kiisa wuxuu ka kooban lix biyaano ama lix dabaq waana Hotel dadka dabaqada sare dagaan balse xidigan wuxuu go’aan ku gaaray inuu hooy caafimaad Hotel-kiisa ka dhigo madaama dadka la karantiilayo ee Coronavirus qabaan meel la kala geeyo la waayay madaama gobolka Maharashtra ee Mumbai xarun u tahay dadka ugu badan ku nool yihiin.

Sonu Sood ayaa sheegay tani inay tahay garab istaag iyo waajib isaga saarnaa inuu gutay madaama waaxaha caafimaadka uu Hotel-kiisa ku wareejiyay si ay adeegyo caafimaad dadka ugu qabtaan sidoo kalena marka xaaladan adag laga baxo oo nolosha caadi kusoo laabato ayuu xidigan soo celin doonaa Hotel-kiisa adeega uu bulshada u qaban jiray.

Xidigan 46-jirka ah dhawaan wuxuu duubis ku waday filimka weyn ee Bollywood-ka ah Prithviraj ee Superstar Akshay Kumar hogaamiye ka yahay isagana door adag ku leeyahay balse haatan duubistiisa wey hakatay madaama Hindiya xaalad bandhow ah ku jirto qorshahana wuxuu yahay in filimkan la daawado Diwali 2020 ama dabyaaqada sanadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here