Atooraha Bollywood-ka iyo Koonfur Hindiya la shaqeeyo Sonu Sood ayaa ciwaano wanaag ku dheehan oo saameyntooda wataan sameenayo tan iyo markii Hindiya bandow gashay si Coronavirus-ka looga guulesto. Marka kowaad Sonu wuxuu sameeyay in Hotel-kiisa Mumbai ku yaalo inuu ku wareejiyay qolyaha caafimaadka si dadka ugu karantiilaan kuwa xanuunka laga helo iyo adeegyo kala duwan caafimaad inay goobtaas ku qabsadaan.

Balse Sonu Sood tilaabadii ugu weyneed ayuu qaaday dhanka wanaaga iyo naxariista madaama 12,000 oo qofood masaakiin ah oo magaalada Mumbai ku xayirnaayeen nolol adagna ku jireen uu dib ugu celiyay deeganada ay kasoo jeedaan waxaana dadkaas loo daabulay gobolo fog fog oo ay ka mid yihiin Uttar Pradesh iyo Bihar.

Sidaa darteed dowlada dhexe ee Hindiya maamusho iyo is maamulka gobolka Maharashtra ayaa siweyn ugu mahad celiyeen Sonu Sood kaalinta uu qaatay madaama si nabad galyo iyo caafimaad ku dheehan dadkaas dib loogu celiyay deeganadooda weliba qarash walbo oo ku baxay Sonu ayaa bixiyay wuxuuna midaas ku muteestay amaan balaaran inay baraha bulshada xitaa ugu soo jeediyaan inta badan jilaayaasha fanka Hindiya.

Sonu Sood kaalinta uu qaadanayo intaas kuma eko dhawaan 1500 oo ah qalabka difaaca dadka adeega caafimaadka qabtaan xirtaan oo dhameestiran ayuu ku wareejiyay maamulka Punjab sidoo kalena maalin walbo kumanaan qofood oo Mumbai guryo ku laheen oo masaakiin ah ayuu quudayaa wuxuuna siiyaa raashiin biseel ah oo loogu geeyo goobaha ay dadkaas ku sugan yihiin oo wadooyinka u badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here