Home » Nolosha Jilaayaasha » Soo dhaweynta Ahan Shetty: Salman Khan, Abhishek Bachchan iyo jilaayaal kale oo soo dhaweeyeen

Soo dhaweynta Ahan Shetty: Salman Khan, Abhishek Bachchan iyo jilaayaal kale oo soo dhaweeyeen

#AhanShetty ayaa ah xarafka ugu saameyn badnaaday macluumaadka Twitter-ka Hindiya quseeyo maanta xitaa wuxuu ka saameyn badnaaday #HappyBrithday AmitabhBachchan madaama Big Bachchan dhalashadiisa tahay waana arin kale oo xiiso leh.

Subaxdii hore maanta Ahan Shetty waxaa si rasmi ah Bollywood-ka ugu soo dhaweeyeen aabihiis Suniel Shetty, walaashiis Athiya Shetty iyo shirkada Nadiadwala Grandson ee isaga soo caan bixineyso sidoo kalena madax u yahay soo saare Sajid Nadiadwala.

Ahan Shetty wuxuu kusoo caan baxaa filimka Telugu ah RX100 ee Blockbuster-ka noqday dib u sameyntiisa asigoo Hindi ah weliba maanta gelinka dambe ayaa lagu dhawaaqi doonaa macluumaadka dhameestiran filimkan.

Haddaba soo dhaweynta Ahan Shetty ee baraha bulshada ayaa iska soo daba dhaceyso waxaana Filimside ahaan u taaganahay shaqsi kasto oo caan ah oo Ahan bartiisa kusoo dhaweeyo inaan idinla wadaagno:

Salman Khan: Nasiib wacan Anna (Suniel Shetty), Nadiadwala Grandson… Ahan nasiibka ugu wacan ayaan kuu rajeynayaa. Si sare wax u darbee iyo si adag. @SunielVShetty #AhanShetty #SajidNadiadwala.

Director Nikhil Advani: Hambalyo Ahan Shetty, waxaa garbahaaga ku qaadeysaa dhaxalkii aabahaa fanka ku lahaa. Waxaan kaa rajeynaa inaad waalidkaaga farxad galisid sidoo kalena ay kugu faanaan. Dhab ahaantii masuuliyad culus ayaa ku saaran. Waxaan kuu rajeynaa wanaag midka ugu sareeyo. @theathiyashetty @NGEMovies #SajidNadiadwala.

Abhishek Bachchan: Waano midda ugu wanaagsan aabahaa ayaa ku siiyay Ahan. Waxaan kuu rajeynaa nasiibka midka ugu wacan Ahan Shetty.

Director Milap: Hambalyo mudane Suniel. Wiilkaaga aragti ahaan waa mid cajiib badan!!! Waxaan rajeynaa hubanti ahaan inaad ku faani doontid sidoo kalena uu ku farxad galin doono.

Director Mukesh Chhabra CSA: Aadban ugu faraxsanahay in walaalkeey iga yara fanka kusoo biirayo soo dhawaaw, Waan sugi weesanahay inaad shaqo bilaawdid. Waa aqbaarta ugu wanaagsan ee aan maanta maqlay. @SunielVShetty #SajidNadiadwala @NGEMovies. Ahan aqoon fiican ayaan u leeyahay dhawaanahan dhan waan isla shaqeeneynay waa hubaal inuu idinka yaabsan doono marka uu shaashada soo hor istaago.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *