Home » . » Soo Jiidasho Badnaa Parineeti Chopra Aragtida Koowaad Ee Filimkeeda Sandeep Aur Pinky Faraar

Soo Jiidasho Badnaa Parineeti Chopra Aragtida Koowaad Ee Filimkeeda Sandeep Aur Pinky Faraar

Ka dib aragtida koowaad ee laga soo bandhigay Arjun Kapoor waxaa maanta lasoo bandhigay aragtida koowaad Parineeti Chopra waxayna labadaan jilaa ku midoobi doona filimka Sandeep Aur Pinky Faraar.

Soo jiidasho badnaa labada sawir ee laga soo bandhigay Parineeti Chopra oo filimka Sandeep Aur Pinky Faraar ku jili doonto gabbar hami ka leh inay hormariso nolasheeda iyo ganacsiga.

Dhinaca kale Arjun Kapoor ayaa filimka Sandeep Aur Pinky Faraar ku jilaayo askari ka tirsan ciidamada magaalada Delhi ka hawl galaan, waxaana xiiso ah in labadaan meelo kala duwan ku kala nool iyo sida isku imaan lahaayeen waana filim xiiso leh.

Filimka Sandeep Aur Pinky Faraar waxaa la qorsheeyay in la daawado 3 August 2018 sida shirkada Yash Raj Films shaaca ka qaaday.