Filim soo saaraha iyo madaxa shirkada T-Series mudane Bhushan Kumar ayaa ciwaanada Bollywood-ka heesto maanta kadib markii dowlada Hindiya uu ugu deeqay 11 Crore ($1.45m) si loola dagaalo caabuqa halista badan Coronavirus oo Hindiya dhibaato xoogan ku haayo.

Waxaan wada ognahay in Hindiya ku jirto 21-maalmood bandhow ah oo isku socodka dadka la diiday sidoo kalena qof walbo lagu amray in gurigiisa ku nagaado balse waxaa jiraan shacab badan oo nolol maal meedkoodii dabaran jireen oo dhuunta la qabtay arinkaas awgeed qof walbo oo Hindi ah kaasi oo wax heli karo wuxuu bilaabay inuu kaalintiisa qaato oo uu kaalmo lacageed, raashiin ama agab bixiyo.

Sidaa darteed gudiga gurmadka deg dega ah ee Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi magacaabay waxay si rasmi ah shaaca kaga qaadeen in Bhushan Kumar 11 Crore dadkiisa ugu deeqay wuxuuna noqday shaqsiga labaad ee lacagaha ugu badan bixiyo kaasi oo Bollywood-ka ka tirsan madaama Akshay Kumar horey 25 Crore u bixiyay.

Bhushan Kumar ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay dadkiisa inuu caawiyo sidoo kalena kaalin muuqato qaato madaama waqti adag lagu jiro wuxuuna ku booriyay dadka caanka ah inay lacago badan bixiyaan si xaalad adag dalka Hindiya ku jiro looga gudbo dhibaato la’aan.

Bhushan Kumar wuxuu madax u yahay shirkada T Series oo aflaanta maal galiso, heeso soo saarto sidoo kalena kanaal caan ah ku leh barta Youtube-ka waxaana shirkadan hantideeda lagu qiyaasay inay gaareyso $406m waxayna ka mid tahay shirkada caalamka ugu awooda badan ee wax soo saarka dhanka fanka hormuudka u ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here