Mudo afar sano kadib waxaa shaashadaha kusoo noqonaayo atooraha Sooraj Pancholi oo uu dhalay laadirkii caanka ahaa Aditya Pancholi kaaso hawada ka maqnaa in mudo ah Filimka Satellite Shankar ayuuna dib ugu soo noqday hader oo maanta tiyaatarada la saaray.

Xidigaan ayaa saxaafada wareysi siiyay waxuuna ka hadlay dagaalkii waalidkiis dhexmaray Kangana aawger iyo kiiskii Jiah Khan halka uu maraayo labadaas mowduuc ayaa ugu muhiimsana dhamaan qodobada uu ka hadlay.

Isagoo wax ka dhahaayo dagaalka qoyskiisa iyo Kangana mar wax laga weydiiyay sida tan ayuu yiri,” dhacdadaas waan ka xumaada marwalba aan soo xusuusto hadana waa mid soo noq noqota hadase inee dhamaatay ayaa la moodaa marba hadii la kala aamusan yahay (oo Kangana naga aamustay).”

Waalidkey in mudo ah waan ka maqnaa ayeeyo iyo awoowe dhankooda ayaan ku noolaa laakin dagaalka yar yar ee hooyadey iyo aabahey dhexmaro waa mid iyaga xalisan karaan wanaagna ku dhamaado dagaalkii Kangana iyo kiiskeedana wey ka heshiyeen marwalbana hooyo aya mudnaanta leh oo qoyska iyada maamusha xalna keenta marka dhib dhaco.”

Atiriishadii Jia Khan ee is dileysay kiiskii loogu qabsaday ayaa wax laga weydiiyay waxuuna yiri,”marar badana waan sheegay in la i nabay dhamaan waxa la igusoo eedeyay hal cadeyn waa loo waayey iyo inaa ani dilka Jia ka dambeeyay idinka saxaafada ah iyo dhamaan dadka runta wey ogaan doonaan marka maxkamada wax walbo ku dhawaaqdo.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here