Jilaaga dhalinta yar Sooraj Pancholi waxaa aabo u ah ruug cadaa Aditya Pancholi wuxuuna Bollywood-ka kusoo biiray sanadii 2015 asigoo kusoo caan baxay filimkii Hero oo ay la sameesay Athiya Shetty oo iyadana markaas fanka ku cusbeed balse wixii markaas ka dambeeyay Sooraj saaxada dib uguma soo laabanin inkastoo mashruuciisii kowaad qaab jiliin ahaan aad loo amaanay.

Nasiib wanaagsan haatan waxaa goos goos ama boorsamiindo xiiso badan laga soo bandhigay Sooraj filimkiisa labaad Satellite Shankar ee uu ku jilaayo askari dalkiisa iyo dadkiisa u adeegayo dhibaato kala duwana la kulmaayo waxaana mashruucan atirisho kowaad ka ah Megha Akash.

Filimka Satellite Shankar waxaa tiyaatarada la saari doonaa 15 November 2019 ama bisha dambe waxaana Director ka ah Irfan Kamal halka Bhushan Kumar, Murad Khetani, Krishan Kumar iyo Ashwin Varde ay soo saarayaal ka yihiin waana filim qaabka loo dhigay goos gooskiisa aad looga wada helay.

Fadlan hoos ka daawo goos gooska filimka Satellite Shankar adigaaba ka heli doontid iyo socdaalka safarka kala duwan ee Sooraj Pancholi filimkan galaayo asigoo askari ah:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here