21 sano ayaa kasoo wareegatay daawshada filimkii Classic ahaa Sooryavansham wuxuuna soo baxay 21 May 1999.

Amitabh filimkiisa wuxuu noqday Flop madaama lagu qarash gareeyay 7 Crore wuxuu keenay 6.67 Crore lacag yar ayaa ka luntay kooxda iska leh.

Balse qolyaha cajaladaha filimada gobolada kala duwan qeybiyaan ayaa filimkan qasaaro muuqato kala kulmeen madaama saamiga ay ka heleen tahay 3.37 Crore.

Waxay ka dhigantahay filim 7 Crore ku fadhiyo in lagu wareejiyay kuwa cajaladaha qeybiyaan waxayna ka heleen 3.37 Crore ayagoo laga rabay 7 Crore inay soo celiyaan kadib macaash raadsadaan waxayna ka dhigan tahay 48% lacagtiisii inuu soo celiyay.

Waa sababta Flop u noqday filimkan hab dhaqaale ayay wax walbo ku saleesan yihiin.

Inkastoo Flop uu noqday hadane tiyaatarada wuxuu saarnaa 11 todobaad iyo ka badan.

Satelite ka iyo Digital ka wuxuu ka noqday Blockbuster taariikhi ah. Sidoo kale cajaladihiisa Cassete ka iyo DVD ga si waali ah ayaa loo iibsaday markii uu tiyaatarka ka dagay.

Qiimeynta sheekadiisa 6.2/10 IMDb rating.

Waa filimka ugu caansan ee uu Amitabh hogaamiye ka yahay laga soo bilaabo 90 maadkii ilaa iminka.

Ugu dambeyntii Sooryavansham sheeko ahaan waxaa laga soo min guuriyay filimka Tamil ka ah Suryavamsam ee sanadii 1997 la daawaday. Marka Sooryavansham ka aan ku heesano waa Copy reer Koonfur aa iska leh.

1 COMMENT

  1. Aflam tiro badan ayay marlabaa jilaan bollywoodka. Ka Copy garayn kaliya ma aha u jeedadu ee aflamta ay sameeyaan koonfurtu waxa ay ku duuban kuuqado kooban sida tamilka, teelugu, kannada….marka waddanka intiisa kale aad loogama daawado si lacag badan looga sameeyo ayay bollywoodku dib u sameeyaan. Akshay kumar baa aflam tiro badan dib u sameyay lacag fiicana ka keenay.

    Inkastoo wayadan dambe koonfurtu bilaabeen inay aflamta marka la sameeyo kadib in luuqada hindigana lagu daro sida baahubali oo kale langauge versions buu lahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here