Sri Reddy Oo Seefteda Ula Baxday Filmsameye AR Murugadoss Maxaa Dhexmaray!!

Sri Reddy bishii April ee aan soo dhaafnay ayee koonfur Hindiya ka yaabsatay kadib markii ay wadada dhexdeeda dharka ku dhigatay ayadoo shaqsiyaad badan halkaas ku ceebesatay mudo dheerna kolba qof ay isku dhacaayeen baraha bulshada ha noqoto ama Tv-yada.

Sri Reddy ayaa dad badan wax ka sheegtay kuna eedeysay inee atirishooyinka shaqo doonka ka faaidestan oo sharuudo adag ku xiraan si ay door filmkooda oga helaan aye waxee rabaan usameyaan xitaa hadii ay sariir ku kulmayaan.

Sri Reddy ayaa la dagaashay xidigo badan oo isugu jiraan jilayaal, filmsameyaal iyo kuwa qarash gareyaal ah waxaana kamid ah xidigahaas ay isku dhaceen dhanka afka, Nani, Pawan Kalyan, Abhiram Daggubati iyo kuwa kale oo badan.

Hadaba Post-gii ugu dambeyay barteeda Facebook waxay ku weerartay filmsameyaha caanka ah ee reer koonfur waxayna ku eedeysay inu qayaamay kadibna door uu u balan qaaday kaga baxay balantii.

Waxay tiri iyadoo hadleysa,”waan ku salaamay filmsameyaha reer Tamil mudane Murugadas side tahay waxaan umalena inaad I xasuusatid waxaan ku kulanay Hotel Green Park halkaaso aad iigu balan qaaday in aad door iga siin doonto filmkaada.”

“Ilaa hada doorkaadi waan sugaya sidaas ayaadna balantii iiga baxday waxaad tahay qof wanaagsan mudane marba hadaad sidaas balanta u ilaalisid.”

Murugadas oo ah shaqsi caan ah si dadban ayaa loo karbaashay waxaayna ku heesata inuu heshiiskii kaga baxay maadama balanta ahed inuu door siin doono hadii ay kulankiisa yeeshay..