Jilayaasha waaweyn ee caanka ah misane hogaamiyaasha Bollywoodka inee yihiin loogu tixgaliyo waqtigaan waxaa ay muqaayada ushidantahay misane guushooda badatay waa Akshay Kumar iyo Ajay Devgn awood muuqata ayeena lasoo baxeen xidigahan sanadihii danbe.

Seddexda Khans ee iyaga ahaan jireen kuwa awoodooda marwalba taagan ilaa hadana taagan ayaa u horeyaan xidigaha sanadaha ugu badan aan sameynin Filim Hit dhameestiran noqdo (Hit, Super Hit, Blockbuster ama All Time Blockbuster midkood) hadaba maqaalkan waxaan ku fiirin doonnaa mid walba inta sano uu Hit la’aan yahay.

SRK: mudo 6-sano xiriir ah ma uusan sameynin Filim Hit dhameesitan noqday waxaana ugu dambeysay 2014 oo uu markaas la yimid Happy New Year markaas kadib ama 2014-2020 waxuu sameeyay 6-Filim seddex wey u guulesteen seddex kalena wey ka guuldaresteen.

Aamir Khan: 4-sano xiriir ah ma uusan sameynin Filim Hit dhameestiran noqdo mudada 4-sano waxuu la yimid labo Filim Thugs of Hindostan iyo Secret Superstar oo uu caawiye ka ahaa midna wuu u guuleystay halka midka kalena ka guuldarestay waxaana ugu dambeyay Filim Hit dhameestiran sanadkii 2016 oo uu la yimid Dangal.

Salman Khan: xidigaan 2017 ayaa ugu dambeysay Filim Hit dhameestiran ah waana Tiger Zinda Hai wixii mashruucas ka dambeyay waxuu sameeyay 3-Filim labo waa u guulesteen halna waa ka guuldarestay.

Ranbir Kapoor: 2018 ayaa ugu dambeysay inuu Filim Hit dhameestiran sameeyo waana Filimkii Sanju markaas kadibna wax Filim ah lama imaanin.

Sababta maxay tahay iyo jilayaashan caqabadaha heystaan:

Salman Khan iyo Shah Rukh Khan Hit la’aan waxaa udiiday waa fariin xun ayee dooranayeen filimkoodana iskuxir sheeko fiican malaheen taasi ayaa sababtay in Hit la’aan ahaadan intaaso sano.

Aamir Khan iyo Ranbir Kapoor shaqadooda ayaa yar mudo 2-sano hal Filim inee sameyaan ayee saldhigteen markaan, Aamir 2016 kadib Filimu hogaamiye ka noqday waa Thugs kaliya Ranbir asna wadadii Aamir ayuu qaaday marka xidigahan Filimadooda ayaa yar taasi ayaa sababtay Hit la’aan mudo sanado isku xigaan ileen shaqadooda ayaa gaabis ah.

4-Atoore ayee muqaayada ushidantahay:

Akshay Kumar 2019 4-Filim Hit dhameestiran ayuu sameeyay mana loo dhowaan karo xidigaan howl adeegiisa cashir inee ka qaataan ayaana ka rabaa Aamir iyo Ranbir howsha adag ee Khiladi Kumar.

Ajay Devgn wadadii guusha ayuu dib uhelay 2020 ama seddex bil kahor ayaa ugu dambeysay Filim Hit dhameestiran waana Tanhaji oo Blockbuster u noqday.

Hrithik Roshan: soo laabasho weyn ayuu 2019 sameeyay 2-Filim Big Hits ah ayuuna la yimid waana xidig booskiisa soo ceshanaayo.

Ranver Singh: xidigaani guushiisa joogto ayee noqotay 2018 labo Blockbuster ayuu la yimid halka 2019 Gully Boy Hit u noqday waana atooraha 4-aad waqtigaan ugu fiican dhanka shaqada joogtada iyo Hit-ka xiriirka ah.

Dhamaad…

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here