Xidigaha nidaamka bacraminta caruur kudhaleen misane Bollywoodka katirsan wey fara badan yihiin hase ahaate qaar kamid ah ayaan halkaan ku xuseynaa maanta waxaana maqaalkan soo daabacnay kadib markii aan ogaanay in Shilpa Shetty gabar ugu dhalatay nidaamkan.

Nidaamkan waxaa la isticmaala marka hooyada uur qaadi karin sababo kala duwan aawged sidaas darteedna ay la heshiyaan haweeyney kale taaso kagu beeraayo shahwada hooyada iyo aabaha uurkana caloosha sidaas ugu qaadeyso hadhow dambena haweyneydaas marke ilmihii dhasho lacag ayaa lasiinaa oo heshiis ah.

Shilpa Shetty: gabar ay u bixyeen Samisha Shetty Kundra ayaa 15 bishaan Feb u dhalatay iyada iyo seygeeda Raj Kundra.

Shah Rukh Khan: wiilkiisa Abram waxuu kudhashtay nidaamka bacraminta maadama Gauri Khan uur qaadi weysay waxayna u badneen inee gaartay xili aysan waxba dhali karin sidaas aawged haweyney kale ayee la heshiyeen.

Aamir Khan: xaaskiisa Kiran ayaa kudhibaned inee uur qaado sidaa aawged Aamir nidaamka bacraminta ayuu isticmaalah sanadkii 2011 sidaasna loogu dhalay wiilkiisa Azad.

Sunny Leone: mataano ayaa loogu dhalay nidaamka bacraminta kadib markee isku waafaqeen iyada iyo ninkeeda Daniel Weber.

Karan Johar: mataano ayaa 2017 loo dhalay xidigaan waxuuna la heshiiyay haweeyney oo uu lacah siiyay uurna uqaaday hab bacramin ahna loogu beerah Yash iyo Roohi ayaa ladhahaa gabadhiisa iyo wiilkiisa mataanaha ah.

Tusshar Kapoor iyo Ekta Kapoor iyagana nidaamma bacraminta ayee isticmaaleen labadan walaalaha ah, Tusshar 2016 ayuu haweyney la heshiyay wiilkiisa Laksshya ayaana loogu dhalay nidaamkan halka Ekta Kapoor sanad kahor wiil sidan ugu dhashtay kaaso loo bixiyay Ravie.

Dhamaad…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here