Ilaa sanadka ka dhamaado waxaa jiri doonaan dabaal dagyo fao badan iyo xaflado kala nooc ah oo ay dhigan doonaan dadka India ugu caansan waxayna kasoo bilaawatay feestadii weyneed ee Diwali bishii hore loo dabaal dagaayey.

Waxaa sii dhiman ciida masiixiga ee kirishtaanka u dabaal dagaan hadaba qoyska Ambani oo kamid ah qoysaska ganacsatada kuwooda ugu caansan hantiilayaalna ah ayaa dhigteen xaflad weyn oo ay ugu dabaal dagayeen farxad u gaar ah.

Waxaa kasoo qeyb galeen qaar kamid jilayaasha Bollywoodka, siyaasiyiin caan ah iyo dad badan oo ganacsato ah martida kala nooca ee goobta timid waa kuwa badan balse jilayaasha Bollywoodka kaliya ayaan kasoo qaadanay.

Waxaa kamid ahaayen Shah Rukh Khan, Abhishek Bachchan, Aishwarya Rai Bachchan, Shahid Kapoor iyo xaaskiisa, Anil Kapoor iyo kale hoos ka daawo sawiradooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here