Laacibkii hore xulka Argentina Deigo Maradona ayaa geeriyooday asigoo 60-jir ah waxaana lagu xasuusan doonaa koobkii aduunka kubada cagta 1986 uu xulka Argentina u qaaday iyo maqaamkii ugu sareeyay ee uu kubada cagta ka gaaray xirfad ahaan iyo saameyn ahaan waxaana dunida siweyn looga hadal hayaa geeridii Diego ku timid.

Sidaa darteed qaar ka mid ah jilaayaasha Bollywood-ka ayaa baraha bulshada geerida Maradona kaga hadleen waxaana ka mid ah SRK oo yiri “Diego Maradona kubada cagta waad sii qurxisay, siweyna waa laguu tabi doonaa mada daaladaadii wacdneyd dhanka kubada ahayd.

Ajay Devgn isagana wuxuu yiri “Sanado ayaan la socday kubada iyo nolosha Maradona. Sidoo kalena filimkeyga Maidaan ayaa kubada cagta i jecleysiiyay iina soo dhaweeyay (Ajay filimkan macalin kubada cagta xulka Hindiya ayuu ku matalaa). wuxuu ahaa halyee kubada cagta looga dambeeyo xirfadiisa cayaareed iyo jaceylka uu cayaaraha u qabay aad ayay u sareeyeen. Waan ka xumahay inaan geeriyooday.”

Ritiesh Deshmukh isagana wuxuu yiri “GOA-ka kubada cagta ayaa geeriyooday ama midka ugu sareeyo kubada cagta ayaa naga baxay waan ku tabi doonaa halyee Maradona.”

Abhishek Bachchan “Legend Maradona waan ku tabi doonaa waxaa nooga tagtay xasuus qurux badan oo dhanka kubada cagta ah waxaana ahayd shaqsi magaciisa dunida oo idil ku baahay.”

Director Sanjay Gupta “Halyee ayaa baxay. Nabad dhinacaaga dhulka halagu dhigo. Waad mahad santahay. Ma jiro qof adiga kula mid ah waligaa. Halyeega kubada cagta Maradona ayaa geeriyooday waan ka xumahay.”

Priyanka Chopra “Mid ka mid ah halyeeyaasha kubada cagta ugu maqaam sareeyeen ayaa geeriyooday Maradona siweyn ayaa lagu tabi doonaa, nabad dhinacaaga dhulka halagu dhigo.”

Aftab Shivdasaani “Waxaa weynay xasuusteenii caruurnimo ee kubada cagta midkii ugu saameynta badnaa sidoo kalena qeyb ka mid ah taariikhda kubada cagta ayaa dunida laga oofsaday, nabad galyo dhinacaaga dhulka haloo dhigo sidoo kalena waan u tacsiyeenaa qoyskiisa.”

Esha Deol “Halyeegii dhabta ahaa ee kubada cagta ayaa geeriyooday sidoo kalena Maradona waa midkii igu dhiiri galiyay inaan kubada jeclaado kuna xirnaado.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here