Laadiradii Naagin!! Sudha Chandran waa atiriisho caan ah oo India udhalatay taaso kasoo muuqata Filimada Bollywoodka, Koonfur India iyo waliba taxanayaasha Hindiga ee Tv-yada laga daawado doorkeeda ugu caansan taxanayaasha waa Yamini oo ay ki jishau taxanaha Naagin.

Hoos kaga bogo macluumaad u gaar ah xidigtaan oo aan idiin kaga so diyaarinay:

Qodobka 1-aad: Sudha Chandran waa magaceeda rasmiga ah waxay dhalatay 27 September 1965 waxayna si rasmi ah ujirtaa 54 sano.

Qodobka 2-aad: Sudha shil ayee gashay iyadoo 16 jir ilaa 17 jir inta udhaxeysa ah wado kutaalo Gobolka Tamil Nandu ayee shil gaari ku gashay waalidkeedna la socdeen lugaha ayee ka dhaawacantay waliba lugta midig dhaawac halis ayaa kasoo gaaray.

Dhaqaatiirta waxay sheegen in lugtaas laga samro oo la gooyo gabi ahaanba waliba qeybta hoose maadama.si weyn u dhaawacantay waxana loo galiyay lug ama cag Fake ah waalidked ayaana sidaa go’aansadeen mar ay wareysi bixisay waxay tiri nolosheeda marki iigu silaca iyo xanuunka badned waa dhaawacaas ayee tiri.

Qodobka 3-aad: waxay ahed atiriisho Dance-ga aad ugu fiicned iyadoo dhaawacaas soo gaaray ayee atiriisho noqotay Dance-geeda daafaha caalamka waa lala dhacay yurub ilaa mareykanka ayee ka shaqeysan jirtay kahor inta aysan atiriisho hindi noqonin Dance-geda oo heer sare ahaa aawged.

Qodobka 4-aad: sanadii 1984 ayee si rasmi ah atiriisho u noqotay waxayna kusoo caan baxday Filimka Tamil-ka ah ee Mayuri.

Qodobka 5-aad: Mucjiso ayaa lagu tilmaamay atiriishadan 54 jirta ah maadama si isku mid ah ay ugu hadli karto luuqadaha kala ah English, Hindi, Tamil, Telugu, Malayalam iyo Kannada waana dhif iyo naado in la helo jilaa intaan luuqad si wanaagsan uwada yaqaano.

Qodobka 6-aad: Diinta ay heesato waa Hindu sanadkii 1994 ayee guursatay sido kalena waxbarashada heer Master ayee ka gaartay oo dhaqaalaha ayee ku taqasustay xidigtaan.

Qodobka 7-aad: Wiil iyo gabar ayee dhashay waa atiriisho ku xeel dheer qaab jiliinka cilmina leh sido kale doorkeeda shaashada ugi caansan waa Yamini oo ay kujishay taxanaha Naagin seddexdii qeyb ugu horeyeen.

Qodobka 8-aad: Xidigaha ay Bollywoodka ka taageerto waxay kala yihiin Rajesh Khanna, Shah Rukh Khan, Meena Kumari, Hema Malini, Rekha iyo Sridevi.

Dhamaad…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here