Howsha Filimka Pathan ayaa si habsami ah usocoto kooxda mashruucana jadwalkooda kowaad ee Filimka ayee durba soo gaba gabeyeen waxayna ku duubeen gudaha Mumbai balse John Abraham kama qeyb qaadan jadwalka kowaad ee duubista waxaana horey loo sheegay inuu Janaayo kooxda kusoo biiraayo.

SRK iyo Deepika ayaa duubista wadeen inkastoo Deepika mashaariicdeeda kale ku mashquushay hadana waxaa la ogaaday jadwalka labaad halka lagu duubayo iyo xiliga la duubaayo sida wararka sheegayaan magaalada ama caasimada Abu Dhabi ee Emaaraatka ayaa lagu duubayaa jadwalka xiga ee mashruucan waliba sanadka cusub bisha Janaayo kooxda halkaas ayee usafrayaan.

Pathan waa Filim dagaal iyo qiyaano isku dhexjiraan ah John ayaana laadar ka ah halka SRK atoore ka yahay door askari ah inuu kujilaayo ayaana muuqata halka Deepima askarid tababbaran oo SRK garab siin doonto ku jileyso.

Sido kale mashruucan waxaa agaasimaayo Sidharth Anand halka Yash Raj Filims maalgalineyso waana mashruuc SRK soo laabasho weyn inuu ku sameeyo loogu talo galay qorshahana waa in la daawado Diwali 2021.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here