Bollywood King Khan Aka Shah Rukh Khan wuxuu dhawaan soo gaba gabeeyay duubista muuqaal marti ah ee uu ku leeyahay filimka weyn Brahmastra waxaana hogaamiyaal ka ah Amitabh Bachchan, Ranbir Kapoor iyo Alia Bhatt halka Ayan Mukerji uu Director ka yahay waxaana soo saare ka ah mashruucan Karan Johar.

Haatan waxaa la ogaaday in SRK filimka Brahmastra uu ku jilaayo door seynis yahan ah waxaana la sheegay doorka martida ah SRK inuu garab siin doono Ranbir Kapoor oo filimkan ku jilaayo Super Hero awood badan waxaana la sheegay in jilaa kasto oo filimkan kasoo muuqanayo inuu awooda Ranbir kaabi doono.

Filimka Brahmastra waxaa la daawan doonaa 4 Dec 2020 ayadoo horey labo jeer loo baajiyay daawashadiisa waana filim weyn oo taxane noqon doono sidoo kalena waxaa doorar muhiim ah ku leh Mouni Roy, Nagarjuna, Dimple Kapadia iyo jilaayaal kale.

Filimkan wuxuu noqon doonaa mashruucii ugu horeeyay oo ay kasoo wada muuqan doonaan labada Bollywood-ka iska dhex doorteen waa Ranbir Kapoor iyo Alia Bhatt oo haatan xiriirkooda jaceyl gaaray halkii ugu sareesay sidoo kalena la isla dhex maraayo dabyaaqada sanadkan inay isla aqal gali doonaan marka filimkooda Brahmastra tiyaatarada la saaro kadib.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here