Bollywood King Khan Aka Shah Rukh Khan ayaa duubis ku wado filimkiisa Pathan oo ay la jilayaan John Abraham iyo Deepika Padukone waxaana Director ka ah Siddharth Anand halka shirkada Yash Raj Films maal galineyso haatana waxaa lagu soo daray labo atoore oo doorar caawiyaal ah cayaari doonaan si ay filimkan kaalin muuqato kaga qaataan.

Atoorayaasha kala ah Shaji Chaudhary iyo Gautam Rode ayaa filimka Pathan lagu soo daray si ay kaalintooda u qaataan waxaana xusid mudan in Shaji Choudhary dhawaan lagu amaanay doorkiisa uu ka qaatay filimka Mirzapur ee uu ku matalay doorka Maqbool Khan, halka Gautam Rode siweyn looga jecel yahay TV-yada madaama uu musal salaadka sameeyo.

Shaji Chaudhary iyo Gautam Rode waxay filimka Pathan ku matali doonaan labo askari oo sirdoonka RAW ee Hindiya ka tirsan waxayna la shaqeyn doonaan SRK oo sarkaal sare ku matalaayo dhanka RAW balse kooxdan si guud waxaa taliye u ah kooxda RAW heesato Dimple Kapadia oo filimkan kaalin weyn ku leh.

Sidoo kalena Deepika waxay ka mid tahay kooxda RAW ee SRK la shaqeeneyso waxayna kooxdan sirdoonka ah dhamaantooda isku biirsanayaan sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen laadarka awooda badan John Abraham oo filimkan si gaar ah isku fara saari doonaan SRK.

Filimka Pathan waxaa la qorsheenaa in la daawado Diwali 2021 waana filim si caalami ah loo sameenayo oo lagu duubi doono Mumbai hadda shaqadiisa ka socoto, Dubai iyo Abu Dhabi oo bisha Janaayo dhamaadkeeda la aadi doono ayadoo UAE lagu soo duubi doono jadwalada ugu muhiimsan filimkan caalamiga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here