Home » Nolosha Jilaayaasha » SRK Filmkisa Ra.One, Salman khan Filmkisa Kick Iyo 5 Film Oo Aalada VFX Loo Isticmaalay Anagana Nalagu Khalday (+Sawiro)

SRK Filmkisa Ra.One, Salman khan Filmkisa Kick Iyo 5 Film Oo Aalada VFX Loo Isticmaalay Anagana Nalagu Khalday (+Sawiro)

Dhowaanahan Bollywoodka waxay bilaaweyn inee isticmaalan aalada casriga ah ee VFX taaso ah aalad kuu sahleysa marka muuqalada halis ah la duubaayo.

Aaladan ayaa loo adeegsada muuqalada halis ah marka aflaamta lagu duubayo ayadoo wax dhib ah aanan loo mareyn balse mar aan anaga daawaneyno muuqaalkas cajiib nala noqonaayo ama mid halistiisa wato.

tusaale ahaan filmka Kick Sallu marka uu tariinka hortiisa ka gudbaayo oo aan filmka kudhex daawaneyno halis weyn waaye oo waxaan isdhahnaa Sallu naftiisa ayuu qatar galiyay balse sheekada saas ma aha akhriste.

Oo anaga waxaa nalagu gaaday ama nalagu qalday aalada casriga ah ee VFX taaso muuqalada isku keyneesa marka Sallu mesha maraayo iyo xiliga uu tariinka mesha maraayo waa labo xili oo kala duwan balse la isku keenay.

Fadlan Halkaan Hoose Kag Bogo Sawiro Kuu Cadeynayaan Isticmaalka Aalada VFX Xiliyo Kala Duwan:

 Ra. One:

 Kick:

Chennai Express:

Happy New Year:

Chak De! India:

Sida Sawirada sare idiin kaga muuqdo waxaad arkeyga Before iyo After, waxaana laga wadaa Before waa marka filmka sida caadiga ah loo duubay muuqaalkiisa balse marka After ay tahay waa mar aalada VFX loo isticmaalay tusaale ahaan filmka Chak De India marka SRK garoonka dhex jooga sida rasmiga ah dad shacab ah oo daawanayan majiraan balse aalada VFX ayaa lagaaga dhigaa in mesha dad buuxan.

Sanadka 2018 waxaa jiraan aflaab badan oo aaladan loo isticmaali doono kuwaaso dadka lagu khaldi doono muuqalo badan waxaana aflaamtas kamid ah Soorma, Gold iyo filmka SRK ninka gaaban kumatalaayo ee Dwarf.

 

 

 

4 Responses to SRK Filmkisa Ra.One, Salman khan Filmkisa Kick Iyo 5 Film Oo Aalada VFX Loo Isticmaalay Anagana Nalagu Khalday (+Sawiro)

  1. cabdirashiid axmed

    December 12, 2017 at 4:08 pm

    filimside aaladan yaa iska leh marka hore.

    • Zakarie Abdi

      December 12, 2017 at 4:39 pm

      Waa sida adoo dhahday Computer yaa iska leh!
      Micnaha waa alad casri ah oo xiligeeda la joogo halka waagii hore muuqaalada qaar beenta si toos ah loo fahmi jiray ama dhib ahaan jirtay sameynta ficilada halista ah……

  2. cabdirashiid axmed

    December 12, 2017 at 6:34 pm

    saas waan u ogahay ee wll waxaan u jeedaa yaaa dhaqaale ka soo galaa ol milkiyadeeda leh oo ka masuula oo bollywoodka keenay.
    ma ganacsato mise shirkad gooniya mise jilayaa.
    hadaan ku dhibay iga raali noqo.

    • Zakarie Abdi

      December 12, 2017 at 9:13 pm

      Hadaan ku fahmay walaalkeen VFX waxaa sameeyaan shirkado gaar ah waxaana lagu siiyaa lacago qarashkana wuxuu ka baxaa soo saarayaasha filimka.