Home » Nolosha Jilaayaasha » SRK Gabadhiisa Suhana Khan Oo Ka Codsatay Inuu Filimka Jab We Met La Daawado Laakiin Wuxuu Ka Jecel Yahay Filimka Socha Na Tha

SRK Gabadhiisa Suhana Khan Oo Ka Codsatay Inuu Filimka Jab We Met La Daawado Laakiin Wuxuu Ka Jecel Yahay Filimka Socha Na Tha

SRK iyo gabadhiisa sheeko dhex martay ayuu saxaafada la wadaagay taasi oo ah gabadhiisa Suhana Khan ay ka dalbatay daawashada filimka Jab We Met oo ay wada jileen Shahid Kapoor iyo Kareena Kapoor waxaana sameeyay Imtiaz Ali.

SRK wuxuu yiri “Gabadheyda Suhana ayaa iga codsatay inaan Jab We Met la daawado waana filim wanaagsan laakiin aniga waxaan siweyn kaga helay Socha Na Tha oo Abhay Deol hogaamiye ka ahaa”

“Director Imtiaz wuxuu Socha Na Tha sameeyay asigoo aqoon loo laheyn laakiin waa filim qurux badan oo aan ka helo daawashadiisa, sidoo kalena filimkiisa kale Rockstar waa mid wanaagsan laakiin Boxoffice-ka bandhig fiican kama sameynin madaama sheekadiisa ahayd mid adag oo dadka ku adkaatay inay fahmaan”

“Laakiin markaan aniga iyo Imtiaz waxaan sameenay Jab Harry Met Sejal oo ah filim fariintiisa sahlan qof walbana fahmi karo.”

FIKIRKAAGA HALKAAN NOOGU REEB ADIGOO ISTICMAALAYO FACEBOOKAAGA, WELIBA CHECK SAAR (ALSO POST ON FACEBOOK)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *