Isku soo dhowaanshihii Shah Rukh Khan iyo Kajol 90-kii waxuu gaaray heer xan badan laga qoro siyaabo kala gadisana loo fasiro xiriirka ka dhaxeeyay lamaanahan shaashada gi gileen waqtigaa balse halmid ayaa xaqiiq noqotay in xiriirkooda noqday “saaxiibtinimo” ilaa hadana waa saaxiibo dhab ah xidigahan.

Marka aan dib u milicsano wareysiyo hore iyo sheekooyinkii hore waxaa yaqiinsaneena in SRK iyo Kajol dabeecad ahaan iska heleen balse dareen jaceyl isku qaadin hadana saas eetahay qofba qofka kale inuu mustaqbal la wadaago iska niyeestay xili kooban inkastoo waqtiga isku diiday.

Oraahdii Shah Rukh Khan Sanadkii 1995: “Aniga iyo Kajol xiriirka naga dhaxeyaa waxaa lagu magacaawa Saaxiibtinimo runtii Kajol waa qof wanaagsan aadna u dabeecad wanaagsan hadii aanan xaasle ahaan laheyn nolosheyda inta kadhiman iyada ayaan la noolaan lahaa.”

“Waligey ma arag qof ka dabeecad wanaagsan saas eetahay jaceylka xanta la sheego waa wax kama jiraan Kajol waa saaxiibtey waligedna wey ahaan doontaa aniga wiil Delhi ka yimid ayaan ahay oo Bollywoodka ehel iyo qaraabo ku laheen.”

“Hader hadii ehel ama asaxaab aan Bollywoodka ku leeyahay ayba jiraan Kajol ayaa ugu horeysa midaas ha idinku filnaato xanta aan naga qortaan fadlan naga daaya.”

Markii Kajol Ay Sheegtay Inee SRK Ka Hesho Ajay-na Necebtahay: Sanadkii 1995 SRK iyo Kajol wada shaqeyntooda aad ayaa looga helay waxayna noqdeen saaxiibo aad isku fahamsan waxaa dhacday in Filimka Hulchul lagu wada kulansiiyo Ajay iyo Kajol balse Kajol markii hore weydiiday mashruucan inee Ajay la sameeyso.

Director-ka Filimka ayee u sheegtay inee Ajay iska necebtahay sababtana waxay ku sheegtay inuu yahay qof xir-xiran oo aamusnaan badan kaftan iyo sheekana aqoonin isaga bedelkiisana ay jeceshahay SRK.

“Adigoo SRK arkaayo maxaa Ajay ula saxiixatay wiil lala shaqeeyo waxaa u mudan SRK oo bashaash ah sido kalena kaftan badan mudane Anees aniga kama helo la shaqeynta Ajay adiga dartaa ayaanse ku yeelay.”

Kajol ayaa sidaa tiri balse oraahdaas wey ka qoomameysay maadama Ajay noqday midka qalbiga ka xaday sida dhabta ahna ay u jeclaatay ugu dambeyn, waxayna lamaanahan is guursadeen 1999.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here