Waxaan ognahay in jilaayaasha Bollywood-ka maantadan ay ku shaqeeyaan lacago aad u sareeyo sidoo kalena daqli kala duwan kasoo galaan xayeysiimaha ay sameeyaan iyo bandhig faneedyada ay ka qayb qaataan. Balse waxaa jirtay marxalad ama waqti adag oo soo maray kuwa haatan ugu magaca weyn fanka Hindiya.

Haddaba waxaan idiin heynaa 7-jilaa oo Bollywood-ka ka tirsan kuwaas oo maqaam sare fanka Hindiya ka gaareen maantana hodan ah lacagihii ugu horeeyay ee mushaar ahaan loo siiyay, inkastoo lacagahaas aad u yaraayeen haddana agtooda qiimo weyn ayay ku leedahay iyo xasuus gaar ah:

Shah Rukh Khan: Bollywood King Khan shaqadii ugu horeesay ee uu qabtay waxay ahayd inuu ruwaayad kasoo muuqday xiligii uu Delhi ku noolaa waxaana la siiyay 50 Rupees ($0.66) bandhigii uu tiyaatarka ka sameeyay awgeed horaantii 80-maadkii.

Amitabh Bachchan: Halyeegan inta uusan Bollywood-ka soo galin waqti adag ayaa soo maray wuxuuna soo qabtay shaqooyin kala duwan shaqadii ugu horeesay ee uu qabtay waxaa bishii lagu siin jiray 500 Rupees ($6.59) wuxuuna la shaqeyn jiray shirkad magaalada Kolkata ku tiilay oo dhanka howlaha maraakiibta qaabilsaneyd horaantii 60-maadkii.

Priyanka Chopra Jonas: xidigtan caanka ah lacagtii ugu horeeyay oo ay kasbatay waxay ahayd 5000 Rupees ($65.90) ayadoo 17-jir ah waxayna lacagtan ku heshay markii ay ku guuleesatay tartankii quruxda aduunka sanadii 2000. Waxaana la sheegay jeegii lacagta ku qorneed la siiyay inay iyadana si toos ah hooyadeed ugu wareejisay.

Hrithik Roshan: Superstar-kan shaqadii ugu horeesay ee uu qabtay wuxuu jiray 6-sano asigoo 100 Rupees ($1.32) ku kasbaday madaama uu muqaal ku yeeshay filimkii Aasha (1980) waxaana filimkan iska lahaa awoowgiis J. Om. Prakash.

Aamir Khan: Superstar-kan lacagtii ugu horeesay wuxuu ku kasbaday filimkiisii hirgalay Qayamat Se Qayamat Tak ee adeerkiis Nasir Hussein soo saare ka ahaa waxaa lagu siiyay 1000 Rupees ($13.18) bil walbo asigoo 11-bilood duubayay filimkan markii tiyaatarada la saaray Blockbuster taariikhi ah noqday.

Sonam Kapoor Ahuja: xidigtan ayadoo 15-jir ah ayay shaqadii ugu horeesay ku kasbaday 3000 Rupees ($39.54) waxayna markaas kabalyeeri ama Waiter ka noqotay maqaayad dalka Singapore ku tiilay xili ay halkaas wax ka baraneesay.

Kartik Aaryan: wiilkan haatan soo caan baxay shaqadii kowaad uu qabtay waxaa lagu siiyay 13,000 Rupees ($171) xayeysiin uu shirkad u sameeyay xiligii uu kuleejka dhiganaayay madaama uu ahaa wiil fur furan oo dhanka matalka ku wanaagsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here