Juhi Chawla waxay kamid tahay atiriishooyinka Bollywoodka ee aan lawada shaqeynin seddexda Khans ama mid walba Filim gooni ah la sameynin kaliya waxay la shaqeysay Shah Rukh Khan iyo Aamir Khan balse Salman Khan waligeed Filim lama sameynin.

Hal Filim ayee shaashada iskala soo muuqdeen daqiiqado kooban waana Filimka Deewana Mastana ee Govinda, Anil Kapoor iyo Juhi Chawla hogaamiyaal ka ahaayen Filimkaasna muuqaalka u dambeyo ayaa lagu tusaa Salman oo muuqaal marti ayuu ku leeyahay.

Maxay tahay sababta ay Salman ula shaqeyn weysay: wareysiyo kala duwan Juhi waxay ku sheegtay in waqtiga isku keeni waayey laakiin sheekada sidaas ma ahan Juhi kama hesho Salman Khan gabi ahaantisaba waana sababta ay udiidi jirtay Filimo badan uu la sameyn lahaa midaasna Sallu ayaa afkiisa ka sheegay.

Salman fagtii hore Bollywoodka waxuu jeclaa atiriishada Juhi Chawla oo uu ka helay xitaa aabahed ayuu ka doontay inuu kudaro ama u guuriyo waase loo diiday taasina waa sheeko kale oo dheer horeyna aan idinkula wadaagnay mida kale Juhi sedeexda Khans SRK iyo Aamir ayee ka hesha halka Salman necebtahay.

Filimada SRK iyo Aamir ay la sameeysay misane caanka ah guulaha waaweyna gaareen waxaa kamid ah Qayamat Se Qayamat Tag, Hum Hain Rahin Pyaar Ka, Darr, Raam Jaane, Yess Boss, Ishq iyo kuwa kale oo badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here