Kartik Aryan oo jilaa caan ah si dhaqsi ayuu xidigaan magac weyn ku sameeystay sanadkaana saameyn weyn ayuu la yimid inaba caadi ma ahan jaceylka wiilkan loo qaaday waxaana u sabab ah hab dhaqankiisa wanaagsam ee reer hindiya uu ula dhaqmo maalin walbana aqalkiisa waxaa kusoo booqdaan taageerayaal cusub.

Xidigaan kusoo caan baxay Filimkii Pyaar Ka Punchnama balse Filimka uu hawada sare ku tagay ee lagu wada jeclaaday waa Sonu Ke Titu Ki Sweety wixii markaas ka dambeyaana dib uma soo jeedsan jilaagan.

Kartik waxuu kamid yahay atoorayaasha shirkadaan dhib kusoo galeen oo aan wsx garab ah ka helin micnaha qaraabo iyo asaxaab cidna kagama soo horeyn mudo dheer ayuuna ku dhibana in atoore laga dhigo oo Filim lala saxiixdo dhowaan wareysi uu shabakada Filimfare siiyay ayuu arinkaan kaga hadlay.

Waxuuna tusaale usoo qaatay Shah Rukh Khan iyo Akshay Kumar waxuu yiri isagoo hadlaayo,”isku mid ma noqon karaan qof shirkada is qaraabeysi kuyimid iyo wof dhib badan usoo maray soo galitaankeeda wax garab ahna helin reerkiisana kaga so horeyn taasi micnaheeda ma ahan inaan aniga isku doodaayo balse xaqiiqda ayaa sidaa ah.”

“Bal u fiirso mudane Shah Rukh (Khan) wuxuu ahaa wiil Delhi ka yimid Mumbai na qof kama uusan aqoonin markuu Bollywoodka imaanaayey iskabadaa in ehel iyo asaxaab kaga soo horeyeen maantana maqaamka uu joogo waad aragteen.”

“Si lamid ah mudane Akshay (Kumar) waad aragteen siduu shirkadan ku yimid la idiin kagama sheekeynaayo taariikhdiisa iyo maanta halka uu joogo xaqiiq ahaan dhiiro galin ayee iitahay Labadaas Superstars maqaamka ay ka gaareen shirkadaan.”

Sido kale Kartik waxuu sheegay maalintii uu Mumbai imaanaayey inuu booqday guriga SRK si uu u arko nasiib wanaag SRK oo gaarigiisa saaran ayaa taageerayaal fara badan meesha joogeen dusha ka salaamay indhaha Kartik iyo indhaha SRK ayaana isku dhaceen sida laba qof is taqaano oo kale waxuu sheega xidigaan inuusan waligiis ilaawi doonin maalinkaas sababtana waxuu ku sheegay in SRK dadka ka dhex doortay si qaas ahna isaga u fiiriyay.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here