Director Siddharth Anand waa mid siweyn loo baadi goobayo inay jilaayaasha Bollywood-ka la shaqeeyaan iyo shirkadaha aflaanta maal galiyaan kadib markii sanadkii hore filimkii War oo ay Hrithik Roshan iyo Tiger Shroff wada jileen Blockbuster weyn noqday iyo filimka lacagaha ugu badan dibad iyo dal kasoo xareeyay ee Bollywood-ka sameeyeen.

Haatan filim sameeye Siddharth Anand mashruuciisa xiga waxaa la sheegay in Bollywood King Khan Aka Shah Rukh Khan hogaamiye ka noqon doono sidoo kalena waxaa atirisho kowaad looga dhigi doonaa Alia Bhatt ayadoo noqon doonto markii labaad SRK iyo Alia shaashada kasoo wada muuqan doonaan ayagoo sanadii 2016 wada sameeyeen filimkii guuleestay Dear Zindagi oo ahaa mashruuc reer magaalka loogu tala galay oo fariintiisii xadidneyd.

Director Siddharth Anand waxaa la sheegay inuu SRK sheekada filimkiisa xiga la wadaagay waana filim Action, qayaano iyo jaceyl isku jiro ah sidoo kalena Ali Bhatt doorka filimkan looga bandhigay wey ka heshay waxaana mashruucan maal galin doonto shirkada Yash Raj Films waxaana lagu duubi doonaa gudaha Hindiya iyo dalal kale.

Balse mashruucan si rasmi ah looguma dhawaaqi doono ilaa bisha June ee sanadkan laga gaarayo marka xaalada Hindiya caadi kusoo laabato oo tiyaatarada la furo waxaana lagu kalsoon yahay filimkan SRK inuu horaanta sanadka dambe la imaan doono waa haddii June laga hawl galo madaama la sheegay ku dhawaad 5-bilood shaqo ah filimkan sida caalamiga ah loo duubayo u baahnaan doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here