Bollywood King Khan Aka Shah Rukh Khan filimkiisa xiga waxaa loo bixiyay Pathan waxaana la jileyso atrishada awooda badan Deepika Padukone halka mashruucan Director ka yahay Sidharth Anand oo filimkiisii ugu dambeeyay War Blockbuster weyn noqday waxaana hogaamiyaal ka ahaayeen Hrithik Roshan iyo Tiger Shroff.

Haatan waxaa la ogaaday Pathan inuu qayb ka yahay filimada waa weyn ee shirkada Yash Raj Films (YRF) ku dhawaaqeyso dhawaan xili ay u dabaal dageyso sanad guuradeeda 50-aad wuxuuna mashruucan noqonayaa mid miisaaniyad xoogan xambaarsan sidoo kalena Action ah si caalami ahna loo duubi doono.

SRK ayaa magaca Pathan filimkan ku jili doono waana door awood badan oo xarakeen doono sidoo kalena Action heer sare ah kusoo bandhigi doono waana hubaal in taageerayaashiisa doorkan soo dhaweyn doonaan madaama sanadii 2018 ugu dambeesay filim uu sameeyo sidoo kalena Director Sidharth Anand wuxuu diyaariyay sheeko heer sare ah oo SRK ku qasabtay si dhaqsi ah inuu sameynta mashruucan ku aqbalo.

Deepika Padukone atirisho kowaad ayay mashruucan ka noqon doontaa waxayna diyaar u tahay inay markale SRK guulo dahabi ah la qeebsato madaama ay horey u wada jileen filimada hirgaleen sida Om Shanti Om (Blockbuster), Chennai Express (Blockbuster) iyo Happy New Year (Super Hit) waxaana xusid mudan SRK iyo Deepika inay ka mid yihiin lamaanayaasha loogu jecel yahay inay shaashada kasoo wada muuqdaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here