Dhawaanahan lama arkin labada guusha u saaxiibka ah SRK iyo Kajol ayagoo isla joogaan waxaana la islahaa armay King Khan iyo boqoradiisa shaashada Kajol kala guureen!

Laakiin marwalbo waa saaxiibo SRK iyo Kajol waxayna wanaagooda iyo is fahankooda aan dhamaadka laheyn ku muujiyeen xafladii reer Kolkata dhigteen marka ay ka wada qayb galeen (Kolkata International Film Festival).

Xafladaan waxaa lagu soo bandhigi doonaa 143-filim oo 53-dal laga soo kala xulay waxayna ka mid tahay xafladaha goboleysiga kuwooda ugu caalimisan.

SRK iyo Kajol ayaa goobta ku wada kaftameen sidoo kalena waqti wacan wada qaateen kadib SRK wuxuu furay xaflada (Kolkata International Film Festival) oo shaqiyaad ah kasoo qayb galeen sida Amitabh Bachchan, Kamal Haasan iyo kuwo kale.

Waxaa la isla dhex maraayay in SRK iyo Kajol filim cusub wada sameyn doonaan sidoo kalena Karan Johar Director ka yahay waana arin siweyn loo wada sugaayo in sheekadan xaqiiqo noqoto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here