Bollywood King Khan Aka Shah Rukh Khan inta badan atirishooyinka uu la shaqeeyay guulo waa weyna la gaaray is fahan heer sare ahna shaashada kusoo bandhigeen waxaana si gaar ah u fiirineynaa SRK iyo xidigta caanka ah Rani Mukerji shaqada quruxda badan oo ay wadaageen.

SRK iyo Rani waxaa lagu xasuusan doonaa filimo Classic ah inay wada sameeyeen sidoo kalena guulaha ay qeebsadeen ayaa ka badan aflaanta ka guul dareesteen waana labo aan laga xiiso dhigeyn marka ay shaashada soo wada galaan.

Guud ahaan SRK iyo Rani waxay isla sameeyeen shan filim oo ay door dhameestiran ku leeyihiin ama hogaamiyaal ka yihiin, fadlan xogtooda aflaantaas hoos kaga bogo:

1. Kuch Kuch Hota Hai (1998) – wuxuu soo xareeyay 46.86 Crore, waa All Time Blockbuster

2. Chalte Chalte (2003) – wuxuu soo xareeyay 19.44 Crore, waa Hit

3. Veer Zaara (2004) – wuxuu soo xareeyay 41.86 Crore waa Super Hit

4. Paheli (2005) – wuxuu soo xareeyay 12.84 Crore, waa Below Average.

5. Kabhi Alvida Na Kehna (2006) – wuxuu soo xareeyay 44.40 Crore, waa Semi Hit.

Sida xogta sare ka muuqato SRK iyo Rani shanta filim isla sameeyeen afar ka mid ah wey guuleesteen oo weliba sedex kasii mid ah HIT dhameestiran yhiin halka hal filim ka guul dareestay waana arin muujineyso labadan guusha inay saaxiib u yihiin marka ay wada shaqeenayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here